Guddoomiye Ku-xigeenka dhinacaa amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax iyo ay wehliyaan masuuliyiin kale iyo saraakiil ayaa kormeeray qaar ka mid ah baraha kontrol ee laga soo galo magaalada Muqdisho.
Tuulah iyo xubnaha la socday ayaa u kuurgalay sida ay u howlgalaan ciidamada ku sugan baraha kontrol iyo habka loo baaro gaadiidka iyo dadka soo galaya caasimada.
“Waxaan maanta duhurkii kormeer ku tagay ciidamada ku sugan checkpoint yada magaalada laga soo galo gaar ahaan Galgalato, Â Gubadley, Waxarcadde iyo xaafadda Daarusalaam halkaasoo ay ka hawlgalaan ciidamo katirsan booliiska gobolka banaadir” ayuu yiri Tuulax.
Waxaa uu sheegay inuu soo arkay ciidan heegan ah habeen iyo maalin una taagan qoraxda sidii ay dadka magaalada degan nabadgalyo ugu seexan lahaayeen waxaana ku dhiirigeliyay ayuu yiri shaqada ay u hayaan Qarankooda.
“Ujeedada kormeerkan waxay aheyd Si aan u dhiiragalino howlaha amniga ee Caasimadda ka socda, ciidamada Boliiska waxay xili-walba heegan ugu jiraan la socodka dhaq dhaqaaqyada amniga la xariira” ayuu intaas ku ku daray Tuulax.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com