Xisbiga Wadajir ayaa Qoraal soo garasiiyay Albanaadir Online kaasoo ku saabsan xarigga sharci darrada ah ee wariye Nuur Shiikh Ismaaciil oo In Mudda ah ku Xiran Magaalada Muqdisho.
Xisbiga ayaa ka dalbaday xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka in ay cod isku mid ah ku dalbadaan sii daynta wariye Nuur Shiikh Ismaacill, kuna canbaareeyaan xadgudubka xorriyad hadalka..
Sidoo kale Xisbiga Wadajir ayaa maamulka Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay in aan lagu aamino qabashada doorasho qof iyo cod oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.
Hadaba Qoraalka Xisbiga Wadajir uu soo gaarsiiyay Allbanaadir Online ayaa u qoraa sida hoos ku Xusan:-
Xisbiga Wadajir wuxuu canbaaraynayaa xarigga sharci darrada ah ee wariye Nuur Shiikh Ismaaciil oo In Mudda ah ku Xiran Magaalada Muqdisho.
Xarigga wariye Nuur waa isku day kale oo xoriyadda hadalka iyo ra’yiga lagu caburinayo, warbaahinta xorta ahna afka la qabanayo, waana xadgudub qaawan oo dastuurka lagu sameeyey.
Dastuurku wuxuu damaanad qaadayaa xoriyadda hadalka iyo ra’yiga, wuxuu xaq u siinayaa, xorna kaga dhigayaa warbaahinta in ay tebiso wararka si madaxbannaan oo cabsi iyo cagajuglayn la’aan ah. Xorriyadda hadalku waa lafdhabarka nidaamka dimoqoraadiga ah.
Qaylodhaan xoog leh ayaa toddobaadkan ka soo yeertay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, taasoo ay ku caddeeyeen xadgudubka iyo tacaddiga ay xukuumaddu kula kacayso suxufiyiinta, iyagoo ka cabtay xarig sharci darro ah, caga-juglays, laaluushid iyo kala qaybin lagu kaco suxufiyiinta.
Xarigga sharci darrada ah ee wariyayaasha waa caburinta iyo cagajuglaynta joogtada ah ee saxaafadda lagu hayo waa dhaqan kali talis oo wiiqaya nidaamka dimoqoraadiga curdanka ah ee la doonayo in uu dalkeena ka taabagalo.
Caburinta xorriyad hadalka iyo ciriirinta masaaxada siiyaasadeed ee uu caadada ka dhigtay maamulka Madaxweyne Farmaajo waxay shaki gelinaysaa kartida uu maamulkiisa u yeelan karo in lagu aamino qabashada doorasho qof iyo cod oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.
Waxaan haddaba xibsiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka ugu baaqaynaa in ay cod isku mid ah ku dalbadaan sii daynta wariye Nuur Shiikh Ismaacill, kuna canbaareeyaan xadgudubka xorriyad hadalka..
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com