Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Ruushku uu Maraykanka u soo bandhigay liiskooda dalabaadka heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka ka socda Ukraine iyo dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Moscow iyo Washington
Saraakiisha ay xigatay Reuters ayaa sheegay in shuruudaha Ruushka ay ku jiraan ; In meesha laga saaro hamiga Ukraine ee inay ku biirto NATO, inaan ciidamo nabad ilaalin ah la geyn Ukraine iyo in loo aqoonsado Ruushka jasiiradda Crimea iyo gobollada Ukraine ee dagaalka uu ku qabsaday Ruushka oo kala ah ; Donetsk, Luhansk, Kherson, iyo Zaporizhzha ee koonfur-bari Ukraine.
Shuruudaha qaar ee Ruushku soo bandhigay ayaa ah kuwo aad u adag sida in Ruushka loo aqoonsado dhulalka uu ka qabsaday Ukraine.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa Arbacadii shalay, booqday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, oo qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidanka Ukraine , isagoo la kulmay taliyaha guud ee ciidamada Ruushka, Jen.Valery Gerasimov iyo hoggaamiyeyaasha kale ee militariga.
Putin ayaa u muuqda inuu soo bandhigayo guusha dagaalka, kaddib markii ciidanka Ukraine ay isaga baxeen goobo muhiim ah oo ay kaga sugnaayeen gobolka Kursk, sabab la xiriirta walaac ay ka qabeen in la go’doomiyo, tana waxay dhacday maalmihii u dambeeyay markii Mareykanka uu joojiyay warbixinnada sirdoonka ee uu la wadaagi jiray ciidanka Ukraine, taasoo ku ridday marxalad indho iyo dhago la’aan ah!
Sidoo kale , Putin wuxuu u adeegsaday booqashada inuu ku soo bandhigo sida uu diyaar ugu yahay tartan dagaal oo hadda un bilow ah, kaddib markii uu soo xirtay dareeska milatariga Ruushka oo uu xiranayo markii u horreysay tan iyo markii uu Ruushka ka qabsaday Ukraine jasiiradda Crimea, sannadkii 2014-kii.