Allbanaadir.com
NEWS

QM oo ceyrineysa shaqaale badan & Sababta ka dambeysa

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa dib u habeyn lagu sameyn doonaa , kaddib xaalad dhaqaale oo ay wajahayso Qaramada Midoobay, iyadoo dib u habeyntu ay sabab u noqon karto in shaqaale badan shaqada laga saaro iyo xataa in hay’adaha qaar ee Qaramada Midoobay la baabiiyo.

Waxaa go’aanka dib u habeynta ku dhawaaqay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo sheegay;“ “Khayraadku wuu sii yaraanayaa, muddo dheerna sidaas bay arrintu soo ahayd.”

Wuxuu intaa ku daray in si deg deg ah loo billaabi doono dib u habeynta oo ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in Qaramada Midoobay ay hoos u dhigto dhaqaalaha ka baxa.

Guterres, ayaa fulinaya go’aamada uu awoodda u leeyahay, halka uu sheegay kuwa u baahan go’aan guud inuu u gudbinayo 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Mareykanka oo ah deeq bixiyaha ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ayaa hoos u dhigay lacagaha uu bixin jiray, halka Midowga Yurub uu dhankiisa doonayo inuu qaado tallaabooyin uu ku dhimayo dhaqaalaha uga bixi jiray dibadda, tan oo saameyn deg deg ah ku yeelanaysa hay’adaha Qaramada Midoobay.

 

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in Boqol Xubnood oo katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibeen

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo mamnuucday in dalka soo galaan dadka ka imaanaya afar wadan

Cabdi Cade

Israa’iil oo dad badan oo Shacab ah ku xasuuqday xerada Al-Maghazi iyo Xamaas oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---