Nuur Maxamuud Sheekh oo ah nin Soomaali ah oo ka soo jeeda dalka jabuuti ayaa loo magacaabay Afhayeenka Guddoomiyaha Midowga Afrika ee dhawaan la doortay Maxamuud Cali Yuusuf.
Nuu wuxuu dhawaan ka fariistay shaqada Afhayeenka Xogahaya Fulinta ee IGAD, wuxuuna ku biiray kooxda warfaafinta ee Wasiirkii hore ee Jabuuti intii uu ku jiray ololaha.
Magaacabista Nuur ayaa ka dhigan in lagu abaalmariyay dadaalkii uu la galay Guddoomiyaha cusub, wuxuuna ku biirinayaa khibrad dheer oo dhanka warfaafinta iyo diblomaasiyadda ah.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ee dhawaan la doortay Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sidoo kale u magacaabay Mohamaed Al amine inuu noqdo xoghayaha gaarka ah ee xafiiskiisa.
Mohamaed Al amine ayaa ahaa wakiilka Midowga Afrika Somalia waxaana la sheegay inuu haatan dhamaaday muddo xileedkiisa dhowaana la soo magacaabayo ergaygii bedeli lahaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Midowga Afrika.
Siyaasiyiinta iyo madaxda ka soo jeedda dalka Djibouti ayaa sannadkan si weyn uga dhex muuqda fagaareyaasha qaaradda Afrika iyaga oo ku guulaystay, Guddoonka Golaha Midowga Afrika, xubinta FIFA ku metelaysa Bariga Afrika iyo Afhayeenka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.