Ciidanka difaaca maamulka Puntland oo maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay degaannada Lugta Huraanhur iyo togga RAQRAQ ee buuraha Calmiskaad , ayaa dilay sargaal sare oo katirsanaa kooxda Daacish .
War kasoo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland , ayaa lagu sheegay in howlgalka maanta lagu dilay sarkaalkii kooxda argagixisada Daacish u qaabilsanaa hagidda diyaaradaha yaryar ee qaraxyada xambaara (drones) iyo qaraxyada miinooyinka.
Sargaalkan katirsanaa Daacish oo meydkiisa lasoo bandhigay ayaa lagu dilay hawlgal qorshaysan oo maanta ciidamada ka sameeyeen degaannada Lugta Huraanhur iyo togga RAQRAQ ee buuraha Calmiskaad, halka ay ciidamadu hub iyo saanad ciidan sidoo kale ku qabsadeen .
“Ciidamada Difaaca Puntland oo diley Madixii Daroonnada Qarxa iyo Miinooyinka ee khawaariijta Daacish, ka dib hawlgallo ay ka sameeyeen ciidamadu Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee buuraha Calmiskaad, kuwaas oo u ahaa Talisyo iyo fadhiisimo kooxaha abaabula dhagarta Qaraxyada ee Argagixisadaasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidamada Puntland.
Ciidanka Puntland taliskooda ,ayaa sidoo kale sheegay in howlhgalka maanta lagu dhaawacay xubno kale oo katirsanaa kooxda Daacish, ayna ciidamada la wareegeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka carareen xubno katirsanaa kooxda Daacish.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com