Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad ka taagan gobolka Tigrey iyo Ertirea oo eedeyn loo jeediyay

Xiisad dagaal ayaa ka taagan qeybo kamid ah gobolka Tigrey ee waqooyiga dalka Itoobiya, waxaana deegaanno dhowr ah oo katirsan gobolkaasi dagaal kula wareegay ciidamo kasoo horjeeda maamulka halkaasi ka jira

Hogaamiyaha gobolka Tigreega  Getachew Reda, ayaa sheegay in maamulkiisa ka shaqeenayo sidii loo dejin lahaa xaalada soo cusboonaatay,  waxa uuna sheegay in ay jiraan deegaanno dhowr ah ay la wareegeen dhinacyada maamulkiisa kasoo horjeeda.

Getachew Reda, ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah kulan la yeesho Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa uuna kala hadli doonaa xaalada gobolka ka taagan, iyadoona la filayo in uu ka codsado taageero dheeraad ah si xaalada u dejiyo.

Hoggaamiyaha gobolka Tigrey , ayaa sheegay haddii aan xal deg deg ah loo helin xiisada hadda gobolka ka taagan uu ka cabsi qabo in dagaalka kusoo biiraan ayna fursad ka dhax arkaan ciidamada Eritrea , uu sheegay in ay taageerayaan dhinacyada kasoo horjeeda.

Dowladda Eritrea , ayaa dhankeeda sheegtay in aysan wax lug ah ku laheyn xiisadan cusub ee ka taagan gobolka Tigrey, waxa ayna sheegeen in ciidankooda joogaan xaduuda iyo goobihii lagu ogaanaa, waxa ayna meesha ka saartay in ay taageerayaan dhinacyada mucaaradka ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnihii ugu badnaa ee kasoo goostay Al Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo: Musharax Kheyre oo shaaciyay sababta uu u doonayo inuu Madaxweyne u noqdo

Cabdi Cade

(Sawirro) Saraakiil British ah oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---