Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo shaacisay in Al Shabaab qatar ku tahay amnigooda

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar ayaa markii u horreysay sheegay kooxda AS ee Soomaaliya inay khatar ku tahay Israa’iil, isagoo markaa tilmaamay inay hadda kooxdan xiriir la leedahay Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran, inta uu ku jiray shir jaraa’id oo ay wada-jir ugu qabteen magaalada Qudus , wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,Gedion Timotheos oo Arbacadii shalay booqasho ku tagay Israa’iil.

Sa’ar, wuxuu ku sheegay Itoobiya inay door muhiim ah ka qaadanayso la-dagaallanka kooxda AS ee gudaha Soomaaliya , oo ay dhankooda garab taaganyihiin, markaa oo uu sheegay inay muhiimad leedahay ciribtirka ururrada AS, Xuutiyiinta , Xamaas iyo wax uu ku sheegay jihaadiyiinta Suuriya! Waxaa kaloo uu sheegay inuu booqan doono Addis Ababa , si loo xoojiyo Iskaashiga amni ee lagu xaqiijinayo xasilloonida badda cas iyo la-dagaallanka kooxaha uu ku tilmaamay ururro argagixiso.

Israa’iil ayaa mar kale soo muujisay sida ay Itoobiya ugu arkaan xulafo muhiim ah oo ay tahay inay soo gasho badda cas, si ay door ugu yeelato la-dagaallanka Xuutiyiinta ,malaha Itoobiya bad! laakin Israa’iil oo aan wax kalsooni ah ku qabin dalalka ku xeeran badda cas, ayaa doonaysa hannaan kasta oo ay ku qaadato inay Itoobiya gaarto badda cas, dhaqdhaqaaqyada gobolka ay ka wado iyo ku dhawaaqista Itoobiya ee inay tahay lagama maarmaan inay Itoobiya hesho marin badda cas ah ayaa lagu sheegaa qorshe ay dejisay Israa’iil oo ay ku soconayo Itoobiya si ay u fuliso .

Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ee Israa’iil ayaa ku soo aadday xilli ay xiisad ka jirto gudaha Itoobiya iyo dhaqdhaqaaq ka imaanaya dhinaca Ereteriya , wuxuuna muujiyay kulanka inay xukuumadda Abiy ee Itoobiya doonayso taageerro caalami ah , halka doorka la-dagaallanka AS ee dawladda Soomaaliya ay siisay Itoobiya , oo hadda u noqonayo Addis Ababa ajande ay ku raadinayso taageerro caalami ah! Iskaashi saddex geesood ah oo u dhaxeyn kara Israa’iil, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa marxaladan sidoo kale waxay suragal ka dhigaysa in loo soo bandhigo Soomaaliya si looga taageerro la-dagaallanka AS inay fududeyso hannaanka ay Itoobiya ku gaarayso gacanka cadmeed , xilli mar horaba ay socdaan wada-xaajoodyada u dhex dhexaadinayo Turkiga ee ay Soomaaliya ku oggolaatay inay Itoobiya la bilowdo wadahadallo ay Itoobiya ku helayso marin badda ah, wallow ay Muqdisho ku celcelisay inaysan oggolaan doonin saldhig milatari oo Addis Ababa ay ku yeelato biyaha Soomaaliya , sababtoo ah waxa u dambeeya ee ay Telaabiib iyo Addis doonayaan ayaa ah inay Itoobiya saldhig badeed oo milatari ku yeelato gacanka cadmeed.

Waxa cusub waa inay hadda AS ,ay ka wado gobollada dhaqdhaqaaqyo weerarro iyo duullaan ay dawladda kooxdan kula dagaallamayso, halka sidoo kale si aan horey loo arag tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore ee 2024 loo maqlayo inay AS xiriir la yeelatay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ku hubaysan diyaaraddo aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada riddada dheer oo quuxooda ka dheereya.

Weerarrada AS iyo iskaashiga ay leedahay Xuutiyiinta waxay Soomaaliya dhexda u gelinaysaa walaac amni oo Muqdisho ku cadaadinaya inay dhageysato shuruudaha lagu xirayo taageerro milatari iyo dhaqaale ee ay u baahantahay , isla xaaladan ayaanna albaab u furi kara ajandaha saddex-geesoodka ah ee Addis Ababa ay ku gaarayso gacanka cadmeed!

W/Q Iman Jaamac

Related posts

Axmed Madoobe oo Baaq Deg Deg ah kasoo saaray Xaalad Adag oo taagan

Cabdi Cade

Ajendaha looga hadlayo kulanka ugu horeeya ee Golaha shacabka oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Maxay ahaayeen labada nin ee ciidanka NISA ku soo xireen howlgal ka dhacay Muqdisho?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---