Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Arbacadii sheegay inuu bilaabayo dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameynayo hay’addan caalamiga ah si kor loogu qaado waxtarkeeda loona dhimo kharashka ku baxa, xilli ay la kulmayso xaalad dhaqaale oo sii xumaaneysa.
“Khayraadku wuu sii yaraanayaa –muddo dheerna sidaas bay [arrintu] soo ahayd,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.
Wuxuu sheegay in hindisahan – oo loo bixiyay UN80 maadaama Qaramada Midoobay ay sanadkan u dabbaaldegayso sannad-guuradeeda 80-aad – uu doonayo inuu ballaariyo, isla markaana uu dardargeliyo dib-u-habayn tii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2017, si hay’addu ay u noqoto mid intii hore ka faa’iido badan, kana kharash-yar.
Xoghayaha Guud ma sheegin faahfaahin ku saabsan inta lacag ah ee qorshihiisu badbaadin karo ama inta shaqo ee la dhimi karo, balse wuxuu xusay inuu si degdeg ah hawsha u bilaabi doono, gaar ahaan meelaha uu awoodda u leeyahay, halka arrimaha kale ee u baahan go’aan-ka-gaarista uu 193-ka dal ee xubnaha ah u gudbin doono si ay u eegaan.
Hindisahan waxaa hormood ka noqon doona guddi ka kooban 14 xubnood oo ka tirsan Qaramada Midoobay. Guterres wuxuu si cad u sheegay in guddigani uusan noqon doonin mid la mid ah DOGE oo ah waaxda uu Elon Musk hoggaamiyo ee Mareykanka oo iyadu ka shaqeysa waxtarka hay’adaha dowladda Maraykanka, taasoo shaqadii ka fariisisay kumannaan shaqaale dowladeed ah.
“Waxaan ka hadlaynaa hannaan, hab-raacyo iyo yoolal gebi ahaanba ka duwan,” ayuu yiri. “Tani waa sii-wadid iyo xoojinta shaqadii aan horey u wadnay.”
Tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay toddobaadyo ka hor, xukuumadda Trump waxay si weyn u dhintay gargaarkeedii ikhtiyaariga ahaa ee ay siin jirtay sanduuqyada, hay’adaha, iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay, iyada oo si buuxda u baabi’isay barnaamijyadii caawinaadda dibadda, isla markaana bilowday ka bixitaanka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), taasoo sare u qaaday walaacyada dhaqaale ee Qaramada Midoobay. Washington waa deeq-bixiyaha ugu weyn ee hay’adda caalamiga ah.
Laakiin Guterres wuxuu xusay in tan iyo markii uu xilka la wareegay toddobo sano ka hor, Qaramada Midoobay ay la kulmaysay dhibaato dhaqaale oo sii kordheysa, sababo ay ka mid yihiin dalal badan oo aan si buuxda u bixin ama waqtigii loogu talagalay aan ku bixin lacagaha la iska doonayo.