Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo fariimo hanjabaadyo ah loo diray

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada ay bilowday in ay u hanjabto Xildhibaanada iyo Saxafiyiinta runta sheega.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in isaga naftiisa ay soo gaareen fariimo hanjabaad iyo cabsi galin ah oo uga imaaneysa sida uu sheegay madaxda ugu sareysa Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa xusay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay soo gaarayeen fariimo badan oo hanjabaad ah, waxa uuna cadeeyay in fariimahaasi loogu hanjabay uu la wadaago doono cida ay u quseyso.

“Waan maqli jiray arrimaha handadaada, laakiin ma aamini jirin in qof masuul ah uu handado shacabka ama Xildhibaanada, laakiin waxaan idiin xaqiijinayaa inay jirto arrintaasi oo aniga C/laahi ahaan ayaa la ii hanjabay, inkastoo aanan aheyn qof hanjabaadada u jilicsan, sida ugu haboon ee aan u wajahay waxaan ka qaatay go’aan sharci ah inaha ay quseyso ayaana la wadaagi doonaa, 48-saac ee la soo dhaafay waxaa isoo gaartay hanjabaado kala duwan oo illaa 5 farriimood ah oo iiga yimid madaxda Xukuumadda.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur.

Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowlada gaar ahaan kuwa ku jira guddiga maaliyadda iyo miisaaniyada ayaa la sheegay in ay la kulmayeen saacadihii lasoo dhaafay cadaadis iyo cambaareyn dowlada xageeda uga imaaneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadka Shiinaha oo looga digay in ay taabtaan dadka Ajaaniibta iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Trump oo qaaday talaabo cusub oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi, xili Nabad la filayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---