Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo shir xasaasi ah la qaatay danjiraha Mareykanka

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo waqti kooban dib ugu soo laabtay xafiiskiisa ayaa shir fogaan arag ah waxa uu la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka u joogo Soomaaliya Mr. Richard H. Riley.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay howlgalka dabar-goynta Al Shabaab ee ka socdo Hirshabeelle.

Safiirka Dowladda Mareykanka Amb. Richard oo uu wehliyo Col. Norris madaxa isku-duwaha kooxda howgalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle xilli uu ku jiro xaalad dagaal oo adag inuu aqbalo kulankan.

Sidoo kale Safiirka ayaa xusay inay garab taagan yihiin oo ay kala shaqeynayaan Hirshabeelle sidii looga nadiifin lahaa Al Shabaab waxa kale uu tilmaamay inay ka taageeri doonaan dhinacyada Milatariga iyo Bini’aadanimada.

Dowladda Mareykanka ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha Hirshabelle hoggaamintiisa iyo abaabulkiisa ku aadan dagaalka

“Waqti adag ayaad garab istaag inoo muujiseen, waan idin kaga mahadcelinayaa xiriirka aad nala soo sameyseen. Kaalin weyn ayaad ku leedihiin dagaalka socdo waxaadna waqti geliseen sidii Hirshabeelle ay xor ku noqon laheyd.” ayuu yiri Cali Guudlaawe

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xusay cid walba oo xilligan garab istaagto inaysan iloobi doonin.

Related posts

Imaam Masjid oo bad baadiyay Nolosha Boqolaal Masiixiyiin ah oo la doonayay in la dilo

Cabdi Cade

Khaatumo oo ka hadashay in Laascaanood soo gaareen Fuáad Shangole iyo Ciidan uu wato

Cabdi Cade

Taliska ciidamada Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyey howlgal ka dhacay degaanka Mubaarak

Caydiid Ali
Taboola Ads ---