Xisbiga Himilo Qaran ee uu horkacayo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xukuumadda maanta jirta ay dagaalka kooxaha argagixisada ah ka dhigatay gabbaad siyaasadeed oo looga dhuunto sheegista fashilka siyaasadda iyo hoggaanka dalka
War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu xasuusiyey Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud in dagaalka argagixisada uu ahaa, walina yahay, ARAGTI QARAN oo soo socotay 17 sanno aysana aheyn in siyaasad loo adeegsado.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA