Allbanaadir.com
NEWS

Boqol Xildhibaan oo Xassan Shiikh ugu baaqay inuu is casilo

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo gaaraya 100 Xildhibaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu xilka iska casilo

Ka dib shir jaraaid oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayey ku sheegeen in dalka ku jiro marxalad halis ah  sidaas darteedna loo baahan yahay in dowladnimada dalka la badbaadiyo

“Madaxweyne Xasan Sheekh isagaa Ra’iisul Wasaare, Wasiir ilaa Agaasime isu ah. wuxuu horseeday musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil. Waa inuu is-casilo,” ayey xildhibaannada mucaaradka ku yiraahdeen bayaanka.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo warbaahinta u akhriyay bayaanka ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya hadii aysan iscasilin madaxda sare ee dalka

“Xukuumaddu waxay laashay dastuurka, isla markaana waxay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday Madaxweyne is casil oo qiro fashilkaaga. Waxaad noqon doontaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee qirta fashilkiisa,” ayuu yiri

Guddoonka Golaha Shacabka ayey ugu baaqeen inuu joojiyo naas-nuujin ay sheegeen inuu u sameynayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Bayaanka Xildhibaanada mucaaradka ayaa lagu bogaadiyay howlgallada ay wadaan ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“waa inaan ka hortagnaa argagixisadu isu soo bahaysatay dalkeenna, iyagoo doonaya inay isku fidiyaan degaanno badan Waa halis ku soo fool leh dalkeenna” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaannada Mucaaradka.

Related posts

Donald Yamamoto oo gaaray Boosaaso lana kulmay Madaxweyne Deni (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Somalia oo goor dhow gaaray Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Jubbaland oo dib ula wareegtay xarunta degmada Baardheere

Cabdi Cade
Taboola Ads ---