Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in DF fashilineyso dagaalka Puntland ee Daacish?

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doorto Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku hawllan tahay fashilinta dagaalka Puntland kula jirto Daacish ee ka socda Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Xildhibaanka oo maanta hadal ka jeediyay Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ay saaxiibo dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh inay mileeshiya-beeleed ka abaabulayaan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, si ay qalalaase uga sameeyaan Puntland.

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintaasi oo ka soo jeeda Puntland ay Garoowe Boosaaso ku diyaarsadeen maleeshiyaad qabiil oo uu mushahar ugu qoray Madaxweyne Xasan Sheekh, si ay qalalaase u sameeyaan oo loo xagal-daaciyo dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish.

“Intii uu socday Dagaalka Daacish waxaa jira mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Xasan Shekh oo abaabulay maleeshiya beeleed lagu ururinayo Bosaaso iyo Garoowe. Mas’uuliyintaasi waxay saaxiib dhow la yihiim Madaxweyna Xasan Shiikh, halkii Dagaalka Daacish Taageera laga sugayay Madaxweynaha waxa uu ku abaal mariyay mas’uuliyiintaas inuu ku daro maleeshiya beeleedka Bayrolka Ciidamada Xooga dalka” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Faarax Mire.

Xildhibaanku ma keenin cadeymo muujinaya eedeymaha uu u jeediyey Vila Somalia, iyadoo dhinaca DF aysan weli ka jawaabin eedeymaha sheegaya iney wadaan qorsheyaal lagu fashilinayo dagaalka Puntland kula jirto Daacish.

Related posts

Wasiir katirsan Israa’iil oo goob fagaare ah ku ilmeeyay iyo xogta waxa helay

Cabdi Cade

Labiska Gabar Wariye ah oo Muran badan ka dhaliyay Sacuudiga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaan goor dhow la dilay & faahfaahino dheeri ah ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---