Allbanaadir.com
NEWS

DF oo aqoonsigii u horeeyey siisay ajaaniib Qaxooti ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay bixisay Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelya Doonka Ka dib Ansixinta Xeerka Qaxootiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah Aqoonsigooda u guddoonsiiyay qaar ka mid ah Qaxootiga ku nool Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Axmed Xuseen Cilmi oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda Daahfurka Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka ayaa sharxay Aqoonsiga Qaxootiga.

Guddoomiye Axmed ayaa yiri”Aqoonsigu waa astaanta iyo heybta qofka shaqsi ahaan loogu aqoonsan karo in uu yahay Hebel ama Heblaayo sababtoo ah waxaa is waafaqaya Muuqaalka qofka, Magaca iyo Masawirka intaba, Waana cadeynta cadeyn karta qof, isla markaana sugi karta sax ahaanshaha sheegashada shaqsigaas”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka ka dib Munaasbad ka dhacday Xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay oo munaasabadda ayaa sheegay xuquuqda Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka isagoo yiri” xeerka Qaxootiga  iyo Magan-gelyo Doonka wuxuu xaq u siinayaa in ay dalkeenna ku noolaadaan islamarkaana ka shaqaystaan Qaxootiga, iyagoo ilaalinaya xeerarka iyo dhaqanka dalkeenna u dagsan isla-markaana ka shaqaynaya Nabad-galyada iyo ammaaanka.

Ugu dambayn, Wasiir Cali Xoosh oo furay Aqoonsiga Qaxootiga ayaa u mahadceliyay Guddoonka Hay’adda Qaranka, wuxuuna yiri” Waxaan bogaadinayaa Guddoonka Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan Guddoomiyaha Hay’adda Mudane Axmed dedaalka aan joogsi lahayn oo aad galiseen arrinka aan maanta halkaan u joogno iyo guud ahaan shaqada la taaban karo oo aad ka qabteen arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed”.

Related posts

Ahlu Sunna oo soo saartay Habraaca Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa !

Cabdi Cade

Madaxda sare ee dowlada oo kulan xasaasi ah ku leh Villa Somalia

Caydiid Ali

Booliska Somaliland oo caawa toogasho ku dilay Wiil soo xirtay calanka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---