Midowga Yurub ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay tallaabooyin ganacsi oo aargudasho ah, iyagoo soo rogay cashuuro cusub oo lagu kordhinayo badeecadaha warshadaha iyo wax-soo-saarka beeralayda Mareykanka.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii maamulka madaxweyne Donald Trump uu sare u qaaday dhammaan cashuuraha birta iyo aluminium-ka la keeno Mareykanka, taasoo lagu kordhiyey 25%.
Midowga Yurub, oo horey u filayey go’aankan, ayaa diyaarsaday tallaabooyin jawaab celin ah. Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay si weyn u kordhinaysaa xiisadaha horeyba uga jiray xiriirka ganacsi ee labada dhinac.
Bishii hore, Washington waxay uga digtay Yurub in ay mas’uul ka noqon doonto amnigeeda mustaqbalka.
Cashuuraha cusub ee Midowga Yurub
Midowga Yurub wuxuu sheegay in tallaabooyinkan cusub ay saameyn doonaan badeecado Mareykanka laga keeno oo qiimahoodu gaarayo 26 bilyan oo Euro ($28 bilyan), taasoo aan ku koobnaan doonin birta iyo aluminium-ka oo keliya, balse sidoo kale saameyn doonta dharka, qalabka guriga, iyo wax-soo-saarka beeralayda.
Badeecado caan ah sida mootooyinka, khamriga, subagga lawska la shiiday (peanut butter), iyo surwaallada jeans-ka ayaa sidoo kale la beegsan doonaa, sida dhacday muddo xileedkii koowaad ee Trump.
Midowga Yurub wuxuu si gaar ah u bartilmaameedsaday gobollada ay xukumaan xisbiga Jamhuuriga, si uu cadaadis uga saaro Mareykanka.
Tusaale ahaan, cashuuraha waxay saameyn doontaa digirta cad ee laga beero gobolka Louisiana oo ah gobolka uu ka soo jeedo afhayeenka Aqalka Wakiillada, Mike Johnson, halka hilibka lo’da iyo digaagga laga beegsan doono gobollada Kansas iyo Nebraska.
Dalagyada kale ee Alabama, Georgia, iyo Virginia ayaa sidoo kale qeyb ka ah liiska badeecadaha la bartilmaameedsaday.
Midowga Yurub oo Is difaacaya
Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in ururku “mar walba u furan yahay wadahadal” balse aysan aqbali karin culeyska ka dhashay cashuuraha Mareykanka.
“Maadaama Mareykanka uu cashuuro ku soo rogay badeecado qiimahoodu yahay $28 bilyan, annaguna waxaan uga jawaabaynaa tallaabooyin qiimahoodu gaarayo 26 bilyan Euro,” ayey tiri.
Guddiga Midowga Yurub ayaa maamula siyaasadaha ganacsiga ee 27-ka waddan ee xubnaha ka ah ururka.
Von der Leyen waxay intaas ku dartay: “Xaaladda dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee caalamka oo liidata darteed, uma fiicna in dhaqaalaha labada dhinac lagu xiro cashuuro.”
Midowga Yurub wuxuu sheegay in cashuuraha cusub ay saameyn doonaan birta iyo aluminium-ka Mareykanka, balse sidoo kale ay taaban doonaan dharka, alaabta guriga, qalabka guryaha, bacaha caaga ah, alwaaxda, iyo badeecadaha beeralayda, oo ay ku jiraan digaagga, hilibka lo’da, kalluunka qaarkii, lawska, ukunta, sonkorta, iyo khudaarta.
Trump wuxuu sheegay in cashuuraha uu saaray badeecadaha soo galaya Mareykanka ay caawin doonaan warshadaha gudaha, balse von der Leyen waxay ka digtay saameynta taban ee arrintan ku yeelan karto ganacsiga caalamiga ah.
“Shaqooyin ayaa halis ku jira. Qiimayaasha sare ayey uga kici doonaan – Yurub iyo Mareykankaba,” ayey tiri.
“Waxaan aad uga xunnahay tallaabadan. Cashuuruhu waa canshuur. Waxay dhaawacaan ganacsiga, waxayna xitaa u xun yihiin macaamiisha. Cashuurahani waxay carqaladeeyaan silsiladaha sahayda waxayna keenayaan hubanti la’aan dhaqaale,” ayey sii raacisay.
Ururka Ganacsiga Mareykanka ee Midowga Yurub (AmCham EU) ayaa sheegay in tallaabooyinka is-daba joogga ah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub “ay waxyeello u geysan doonaan shaqooyinka, kobaca dhaqaale, iyo xasilloonida labada dhinac.”
“Labada dhinac waa inay si degdeg ah u joojiyaan xasaradda ganacsi ee sii huraysa oo ay raadiyaan xal wadahadal ku dhisan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen Arbacadii.
Maxaa dhici doona?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu horey cashuurro uga soo rogay birta iyo aluminium-ka Midowga Yurub intii uu xafiiska joogay muddo xileedkiisa koowaad, taasoo dhalisay caro ka timid Yurub iyo dalal kale oo xulafo la ah Mareykanka.
Waqtigaas, Midowga Yurub wuxuu qaaday tallaabooyin la mid ah kuwa hadda la qorsheeyay, wuxuuna sare u qaaday cashuuraha lagu kordhiyay badeecadaha Mareykanka sida mootooyinka, khamriga, subagga lawska, iyo surwaallada jeans-ka.
Markan, Midowga Yurub wuxuu fulin doonaa tallaabooyin laba marxaladood leh. Marka hore, 1-da Abriil, wuxuu dib u soo celin doonaa “tallaabooyin wax-ka-qabasho” oo la mid ah kuwii la qaaday intii u dhaxeysay 2018-2020, balse hakad la geliyay intii uu xilka hayay Madaxweyne Joe Biden.
Kadib, 13-ka Abriil, waxaa dhaqangalaya cashuuro cusub oo lagu soo rogi doono badeecado Mareykanka laga keeno oo qiimahoodu dhan yahay 18 bilyan Euro ($19.6 bilyan).
Komishanka Ganacsiga Midowga Yurub, Maroš Šefčovič, ayaa bishii hore u safray Washington si uu uga hortago cashuuraha Mareykanka, isagoo la kulmay xoghayaha ganacsiga Mareykanka Howard Lutnick iyo mas’uuliyiin kale.
Arbacadii, wuxuu sheegay in safarkiisii uu muujiyay in Midowga Yurub “uusan ahayn dhibaatada.”
“Waxaan isku dayay inaan ka hortago culeyska tallaabooyinkan is-daba-joogga ah, balse wadahadal waa inuu laba dhinac yeeshaa. Waxaad u baahan tahay labo gacmood si sacab loo tumo,” ayuu yiri isagoo la hadlayay suxufiyiinta fadhiyay baarlamaanka Yurub ee Strasbourg, Faransiiska.
Shirkadaha birta ee Yurub oo walaac qaba
Ururka birta ee Midowga Yurub (Eurofer) ayaa saadaaliyay in uu lumin karo ilaa 3.7 milyan tan oo bir ah oo loo dhoofin jiray Mareykanka.
Mareykanku waa suuqa labaad ee ugu weyn ee ay u dhoofiyaan shirkadaha birta Yurub, isagoo ka qaata 16% dhoofinta guud ee birta Midowga Yurub.
Midowga Yurub wuxuu qiyaasayaa in ganacsiga labada dhinac uu sanadkii gaarayo qiyaastii $1.5 tirilyan, taasoo matalaysa ku dhawaad 30% ganacsiga caalamka.
Inkasta oo Midowga Yurub uu leeyahay faa’iido ganacsi oo xagga badeecadaha ah, haddana wuxuu sheeganayaa in faa’iidadaas ay qeyb ka magdhabi karto faa’iidada Mareykanka ee dhinaca adeegyada.
Dhinaca kale, Britain oo ka baxday Midowga Yurub, waxay sheegtay inaysan qorsheynin inay qaado tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah Mareykanka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com