Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo soo saaray fariin cabsi ku riday Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, ayaa ku hanjabtay in ay dib u bilaabayaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee xiriirka la leh Israa’iil iyo kuwa ku socda dekadaha ay maamulaan.

Afhayeenka dhinaca ciidanka ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah ay dib ugu billaabayaan weerarrada ka dhanka ahaa maraakiibta xiriirka la leh maamulka Israa’iil oo bilaabay go’doominta Gasa.

Waxa uu sheegay afhayeenka Xuutiyiinta in uu dhammaaday waqtiga kama dambeysta ee ay u qabteen Israa’iil inay u fasaxaan marinka Qasa gaadiidka sida gargaarka ee ay Israa’iil hor istaagtay inay galaan magaalada Qasa, tallaabo ay u adeegsanayso Israa’iil inay ku cadaadiso Xamaas qaadashada nooca heshiis ee ay doonayaan ee sii deynta maxaabiista.

Kooxda Xuutiyiinta ayaana caddeysay in ay joojinayaan weerarada maraakiibta Israa’iil xiriirka la leh haddii ciidamada maamulkaasi fasaxaan gaadiidka gargaarka u sida shacabka dhibaateysan ee ku dhaqan magaalada la burburiyay ee Gasa.

Dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Qasa ayaa si dhaqso ah u boggaadiyay go’aanka Xuutiyiinta oo ay ku sheegeen tallaabo geesinimo leh oo lagu cadaadinayo Israa’iil , si ay dadka Qasa u helaan gargaarka ay u baahanyihiin..!

Related posts

Dowlada Masar oo aqbashay dalab muhiim ah oo kaga yimid dhigeeda Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Mike Pompeo oo Safar qarsoodi ah ku tagay Kuuriyada Waqooyi lana kulmay Kim Jong Un

Cabdi Cade

Donald Trump oo guulo waa weyn ka gaaray doorashooyin ka dhacay dalka Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---