Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kawada hadlay hirgelinta qorshe muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsan Soomaaliya, Mudane Chris Pycroft.

Kulankan oo ku qotomay xoojinta wada shaqaynta horumarka, ayaa lagu lafaguray hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo si rasmi ah loo daahfuri doono 17-ka Maarso, 2025.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray doorka ay deeq-bixiyeyaashu ka qaadanayaan maalgelinta iyo taageerada mashaariicda mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay saameynta ay yeelan karto dhimista dhaqaalaha kaalmada horumarineed (ODA) iyo sida looga hortagi karo dhibaatooyin ka dhasha isbeddelladan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda UK iyo bahwadaagta kale ee caalamiga ah dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Labada dhinac waxay isla garteen in si dhow la isula shaqeeyo si loo hubiyo in dhammaan dadaallada horumarineed ay waafaqsanaadaan Qorshaha Isbadelka Qaranka, loona xaqiijiyo in horumarka la gaari doono uu noqdo mid waara, wax-ku-ool ah, islamarkaana lagu wada faa’iidaysto.

Hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka waa tallaabo muhiim ah oo u horseedi doonta mustaqbal ifaya oo ay Soomaaliya kaga faa’iidaysan doonto iskaashiga caalamiga ah si ay u gaarto yoolkeeda horumarineed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo horumar loo dhan yahay.

Related posts

Dowlada Somalia oo digniin ka bixisay Masiibo ku soo wajahan dalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliska Booliiska Somaliland oo ka hadlay Xildhibaan lagu xiray Hargeysa

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Dowlada oo si rasmi ah ula wareegtay Ciidankii ay tababareen Imaaraadka iyo Hubkooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---