Surtagalnimada dagaal ka dhex qarxi kara labada dal ee dariska ah Itoobiya iyo Eritrea, ayaa mar kale la maqlay sannado ay ku jireen wax u muuqday dagaal qaboob iyo xiriir aan cago-badan ku tagnayn, illaa hadda la sheegay saacad walba inay xabbadu ka dhex billaaban karto labada waddan; Intaad ku dhex jirto warbixintan ayaa ku siinaysa macluumaad iyo fallanqeyn la xiriirta xaaladda soo cusboonaatay iyo haddii ay badan tahay surtagalnimada dagaal rasmi ah oo labada dal dhex dhexmari kara;
Itoobiya iyo Eritrea, taariikhda oo dhan xiriirkooda wuxuu ahaa mid ay colaaddu ka buuxdo. Eritrea waxa ay xornimada ka qaadatay Itoobiya bishii May ee sannadkii 1993,kaddib halgan xornimo oo daba dheeraaday. Eritrea, waxay xoriyadeeda ku heshay geeddi-socod nabadeed, wixii intaa ka dambeeyay dad badan waxay rajo ka qabeen in gobolka geeska Afrika uu u curan doono waa cusub oo nabad iyo xasillooni ku dhisan, iyadoo la tixraacayo in labada dal ay sida nabadda ah ee Eritrea xorriyada ku heshay! balse nabaddu ma jirin muddo dheer , wax walbana waxay dhinaca kale isku rogeen markii uu qarxay dagaalkii xudduudka ee labada dal u dhaxeeyay oo soo bilowday bishii Maajo, sannadkii 1998, shan sano uun kaddib markii lagu dhawaaqay kala goynta nabadeed ee Itoobiya iyo Eritrea. Kala duwanaanshaha cakiran ee caqiidada, siyaasadda, iyo taariikhda ee ku dhex milmay xiisad dhaqaale ayaa soo dedejisay dagaal yar oo xudduudeed oo ku ekaa deegaanka Badme ,6 bishii May, sannadkii 1998, oo si degdeg ah isu beddelay dagaal xudduudeed oo muddo dheer socday. Dagaalkii xudduudaha wuxuu galaafatay nolasha tobannaan kun oo qof oo labada dhinac ah , waxaana lagu soo gabagabeeyay heshiiskii nabadda ee Aljeeriya, 12 bishii December sannadkii 2000.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii nabadda ee Aljeeriya ayaa ku guul-darraystay in uu dhaliyo nabad xasilloon oo waarta, kaddib markii Itoobiya ay diidday in ay u hoggaansanto go’aankii guddiga xadduudaha madax bannaana ee EEBC oo lagu siiyay xuduudda lagu muransan yahay Eritrea. Labada dal Itoobiya iyo Eritrea waxay ka shaqaynayeen cadaawad ka dhaxaysa midba midka kale, waxayna sii wadeen dagaalkii qaboobaa, kaas oo saamayn xasillooni darro ah ku yeeshay geeska Afrika.
Wax kasta iyo xiriirkii labada dal ayaa si aan horey loo arag isku beddelay bishii Luulyo ee sannadkii 2018, markaa oo uu isbeddel ku yimid qaab dhismeedka xiriirkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea. Labada dal waxay joojiyeen xasillooni-darrada labada dhinac, waxay dib u soo celiyeen duullimaadyadii ka dib tobanaan sano oo xiriir ah. Madaxda Itoobiya iyo Ereteriya ayaa si weyn loogu ammaanay heer gobol iyo heer caalamiba hindisahooda soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dejinta colaadda muddada dheer jirtay, waxay siisay guul gaar ah Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abit Axmed oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize. Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya ayaa sidoo kale helay billadaha ugu sarreeya ee Imaaraatka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya dib u habeynta xiriirka labada dal.
Heshiiska nabadeed ee 2018-ka waxa uu ahaa heshiis si heersare ah loo agaasimay oo ay dabada ka riixayeen madaxda labada dal iyada oo aanay ka qaybgelin qaybaha kala duwan ee bulshada, sida bulshooyinka xuduudaha, xisbiyada mucaaradka ah, hay’adaha sharci-dejinta, iyo wasaaraha arrimaha dibadda,wax kastana waxay ahaayeen wax ay go’aamiyeen oo ku ekaa labada hoggaamiye. Intaa waxa dheer, heshiiska nabadeed waxa kale oo uu ahaa mid ay ku habsatay dib u dhac hay’adeed iyo mid sharciba, taas oo ka dhigtay heshiiskii nabadda mid jilicsan!
Kooxda TPLF ayaa iska indha tirtay heshiiskii Addis Ababa iyo heshiiskii Asmara, waxayna ku andacoonayeen inuu ahaa dhagar ka dhan ah qoomiyada Tigrayga, ayna muujinayeen xamaasad yar oo ku aadan hirgalintiisa. Isku soo dhawaanshiyaha ayaa keenay in dalka Ereteriya mar qalafsanaan jiray uu noqdo xarunta juquraafi siyaasadeed ee Geeska Afrika, waxa ay dib ula midowday siyaasadda gobolka iyo tan caalamiga ah, iyada oo ay markhaati ka tahay ka qaadista cunaqabataynta Qaramada Midoobay bishii November 2018, waxayna dib ugu biirtay qaab dhismeedka amniga gobolka, IGAD, June 2023 ka dib tobanaan sano oo ay ka maqnayd.
Si kastaba ha ahaatee, xabbad-joojintu waxay uga sii dartay xiisadda dhex-dhexaadka ah ee Itoobiya waxayna beeratay abuur dagaalkii Tigray-ga (2020-2022). Isbahaysiga dib-u-habaynta ee Ereteriya waxa uu awood badan siiyey dawladda federaalka ee Addis Ababa, taas oo sii kicisay xiisadii u dhaxaysay TPLF iyo dawladda federaalka Itoobiya oo ay ku dhammaatay dagaalkii Tigray ee qarxay 03 November 2020. Dagaalkii sokeeye ee laba sanno ka socday gobolka Tigray wuxuu geystay dhibaatooyin ba’an oo bini’aadan ah, culays saaray kheyraadka Itoobiya, wuxuuna meesha ka saaray mawqifkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya ee gobolka iyo caalamka labadaba.
Heshiiska nabadeed ee 2018 ayaa lagu martiqaaday Eritrea, taas oo Asmara ku aqbashay gacmo furan oo muujisay sida ay uga go’an tahay inay tirtirto cadowga la wadaago ee TPLF. Ujeeddooyin saddex laab ah ayaa keenay in Eritrea ay ku lug yeelato dagaalka Tigrayga. Ugu horrayn, TPLF waa waxay Eritrea u aragta cadow aan la cafiyin lana ilaawin. Dawlada Eritrea, dagaalka Tigray wuxuu u yahay riyo u rumowday inay ka aargutaan TPLF. Midda labaad, si looga gudbo go’doominta diblomaasiyadeed ee tobanka sanno qaadatay ee ka dhalatay ismari waagii Itoobiya iyo Eritrea ee ka dhashay heshiiskii nabadda ee Aljeeriya. Ujeeddada seddexaad, waxay Eritrea arkaysay fursad lagu dhalin karo Itoobiya daciif ah , halka Eritrea ay ka faa’iideysanayso kheyraadka, doorna boqornimo ka qaadato.
Haddaba, mar kale xaggee ka furtey xariggii nabadda oo colaadda soo celisay?
02 bishii November,sannadkii 2022, dawladda federaalka Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ku kala saxeexday heshiiska joojinta colaadaha (COHA), kaas oo uu garwadeen ka yahay Midowga Afrika. Beesha Caalamka ayaa heshiiska nabadeed ku tilmaantay waa cusub oo ka curtay Itoobiya iyo gobolka Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, xabbad-joojintu waxay la kulantay soo dhawayn kala qaybsan , dul-duleeloyinka heshiiska nabadeed ayaa ah ka la’aanta jilayaasha waaweyn ee dagaalka, oo ay ugu horreeyaan saaxiibbada dagaalka, ciidamada Amxaarada iyo Eritrea. Isbahaysiga dagaal-samaynta qayb kamay ahayn geeddi socodka nabadaynta. Eritrea waxay u aragtay xabbad joojintii Pretoria inay tahay gaashaan ka soo horjeeda ujeeddadeeda ah inay dhammayso cadawgeeda soo jireenka ah ee TPLF.
Xabbad-joojintii Pretoria waxay keentay hoos u dhac ku yimid isu soo dhawaanshaha Itoobiya iyo Eritrea. Waxay u muuqataa in xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu dib ugu soo laabtay xaaladdii cakiran ee ka dhalatay dagaalkii Tigray-ga. Eritrea waxay ka dhawaajisay walaaca ay ka qabto heshiiska nabadeed ee la saxeexay, waxayna ku andacootay inay dhabarka ka ridday dawladda federaalka Itoobiya. Sidaa awgeed, Eritera waxa ay meesha ka saartay dhaqan gelinta heshiiskii Pretoria. Wixii marka ka dambeeyay waxaa la soo weriyay in Asmara ay kaalmo dhaqaale iyo mid sahayba u fidinayso jabhadaha Axmaarada, kuwaas oo tan iyo bishii Agoosto, ee sannadkii 2023 khilaaf kula jiray dawladda federaalka Itoobiya.
Ka dib dhawaaqii adkaa ee Itoobiya ee ku saabsan gelitaanka Badda Cas tan iyo Oktoobar 2023, waxaa soo baxay walaac laga qabo in Itoobiya iyo Eritrea ay u jiheysteen dagaal kale, oo khatar gelinaya nabadda gobolka. Markii la saxeexay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland 1 bishii Jannaayo ee sannadkii 2024 ee Itoobiya u oggalaanayay inay hesho deked ganacsi iyo saldhig ciidan oo ay ku yeelato badda cas , waxaa si ku-meel-gaar ah u degtay xiisaddii u dhexaysay Itoobiya iyo Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska badda ee la saxiixay ayaa muran ka dhaliyay Geeska Afrika, kaasoo xumeeyay xiriirka Addis Ababa iyo Muqdisho.Iyadoo taas ka jawaabeysa, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirka Eritrea iyo Masar oo ay Itoobiya la wadaagto xiriir aan wanaagsaneyn, si cadaadis loogu saaro Addis Ababa.
Bishii Oktoobar 2024, madaxweynaha Eritrea wuxuu martigeliyay madax ka kala socotay Soomaaliya iyo Masar, taas oo horseeday in la qaabeeyo isbahaysi cusub oo ay isku keentay cadawtinimada Itoobiya ee la wadaago oo la doonayo in lagu xakameeyo doonista Itoobiya ee ah helitaanka madaxbannaanida dekedda. Tallaabada Eritrea ayaa muujisay in gabi ahaanba laga noqday guulihii yaraa ee laga gaaray heshiiskii 2018 ee sida weyn loo dabaaldegay ee dib usoo celinta xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.
Bishii Luulyo, ee sannadkii 2024, Eritrea waxay ka mamnuucday diyaaradda Ethiopian Airlines inay u duusho Asmara, iyadoo ku sababaysay xatooyada shandadaha iyo qiimaha kor u kaca, eedeymaha ay Itoobiya Airlines beenisay. Ethiopian Airlines ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadeeda Asmara laga bilaabo 3 ,bishii Sebtembar, ee sannadkii 2024, iyadoo ku andacoonaysa caqabado shaqo oo ka jira Eritrea, oo ay ku jiraan masuuliyiinta Eritrea xannibaadda akoonkeeda bangiga. Horumarka ayaa xidhiidhka Itoobiya iyo Ereteriya u horseeday heerkii ugu hooseeyay wixii ka dambeeyay 2018 kii xidhiidhka Addis-Asmera.
Waxaa sii kordhaya xiisadda ka dhalatay markii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya uu ku eedeeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki inuu ka shaqeynayo dib u soo celinta dagaal cusub oo ka socda Waqooyiga Itoobiya, isagoo ka faa’ideysanaya kala qeybsanaanta TPLF, wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in si degdeg ah loo baajiyo dagaal lagu hoobto. Eritrea waa ay beenisay eedeymahaas, waxayna ku tilmaantay eedeyntaasi inay tahay xeeladda ay Itoobiya ku dooneyso inay Eritrea uga soo ceshato colaadda gudaha.Eritrea ayaa la sheegay in ay abaabushay ciidamo gaar ah, oo ay si firfircoon u qoranayaan askar, iyo in ay muwaadiniinteeda ku soo rogtay xayiraad dhanka socdaalka ah iyadoo ay sare u kacday xiisadda kala dhexeysa Itoobiya.
Itoobiya, ayaa dhankeeda u oggolaatay Birged Nhamedu, oo ah dhaqdhaqaaq qurbo-joog ah oo ka soo horjeeda taliska Eritrea, inuu xafiiskooda ka furto Addis Ababa ,waxaa xigay shirarkii u horreyay ee dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda nidaamka Eritrea inuu ka dhacay Addis Ababa , 25 Jannaayo, 2025, taasoo xiisadda sare u qaaday.
Ma garanayo haddii ay tani tahay qorshaha Eritrea; balse sida ay horey uga digtay Itoobiya, xalay waxaa dib ay dagaallo uga qarxeen gobollada ismaamulka Tigray-ga iyo Amxaarada, iyadoo warbaahinta maxalliga ah ay werisay in jabhadda TPLF ay gashay caasimadda Tigray ee Maqalle oo ay kula dirirayaan Ismaamulka ku-meel-gaar ah ee Tigray, halka jabhadda Amxaarada ee Faano iyo ciidanka federaalka Itoobiya ay dagaallo ku dhexmarayaan gobolka Amxaarada. Iska horimaadka ugu adag wuxuu ka socda gobollada Tigray-ga oo maamulkii halkaa ka jiray ee hoostagayay Addis Ababa deegaanno laga qabsaday, iyadoo xataa Getachew Reda, madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, uu uu ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray; “sarkaal ciidan oo tiro yar” inay wadaan “go’aan khaldan” oo lagu burburinayo maamulka guud ahaan Tigray-ga.
Sii socoshada dagaalka gobolka Tigray-ga ayaa xuddun u noqon kara dagaal daba-dheer, waxayna Itoobiya la kulmi karta khasaare labo dhinac ah , sabab la xiriirta Eritrea, waxay saldhigyo ku leedahay gobolka Tigray-ga, iska horimaad kasta oo Addis ay la geli kartana Asmara , wuxuu gobolka Tigray-ga u leeyahay muhiimad istaraatiji ah; TPLF haddii ay jabiyaan maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray-ga, taasi waa dhibaatada Addis Ababa oo lagu khasbayo inay mar kale dagaal ballaaran gasho, markaa oo ay xataa suragal tahay Eritrea inay gacan siiso TPLF, si ay dagaalka ugu xakameyso gudaha dhulka Itoobiya.
Dhaqdhaqaaqa ugu sarreeya ee ciidanka federaalka Itoobiya ee iskudayi kara inay weerarraan Eritrea, hadda wuxuu ka socda is maamulka Canfarta, oo iyagu dhinacooda shuruudo ku xiraya inay noqdaan albaabka laga weerarrayo Eritrea iyo waddada ay Itoobiya ku gaari karto dekedda Casab, halkan waxay saameyn ku yeelanaysa maamulka Soomaalida, sababtoo ah Canfarta waxay doonayaan in loo sharciyeeyo qeybo ka mid ah dhulka Soomaalida!
Iyadoo xaaladdu sidaa tahay suragal ma tahay waqtigan dagaal dhexmara Itoobiya iyo Eritrea?
Fikradayda, annigu waxaan rumaysnahay in Abiy uusan furi doonin furin kale oo dagaal, inkasta oo ay jirto dan uu ka leeyahay. Tani waxay ugu wacan tahay iyadoo ciidankiisu ay weli la tacaalayaan dagaallada ka socda gudaha Itoobiya.Sidaas darteed, waxay u badan tahay in Abiy uu sii wado dadaallada uu ku wiiqayo maamulka Isaias, sida taageeridda kooxaha mucaaradka Eritrea. Xitaa waxa suuragal ah in uu tixgeliyo qaadista tallaabo ka dhan ah Eritrea haddii uu guul ka gaaro dagaallada uu hadda uga furan gudaha ee is maamullada Itoobiya, oo ka socda gobollada Tigray-ga,Amxaarada iyo Oromada. Xaaladan ayaa sidoo kale dhalin karta haddii Isaias dareemo khatar ah in Abiy sugayo fursad uu ku weeraro Eritrea, waxa laga yaabaa inuu qaado tallaabo weerar oo horudhac ah. Haddii taas ay dhacdo, Abiy wuu khasban yahay inuu iska difaaco, taasoo sababi karta dagaal ballaaran oo dhexmara labada dhinac!
Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Ereteriya waxay sidoo kale si dhakhso ah u soo jiidi kartaa xulafada gobolka ka baxsan, kuwaas oo durba muujiyay rabitaan ay ku xaqiijinayaan raadkooda gobolka si ay u qorsheeyaan saameyntooda oo ay u ilaashadaan danahooda amni iyo dhaqaale. Masar oo saamayn ku leh khilaafka Itoobiya ee ku saabsan khilaafka biyo-xireenka wabiga Nile-ka, ayaa laga yaabaa in ay culayskeeda ku tuurto Ereteriya si ay u xakamayso damaca Itoobiya ee dekedeed ee gobolka, taas oo keeni karta in xiisadda meel sare gaadho.
Imaatinka Qaahira waxa kale oo uu kiciyaa xafiiltanka gobolka iyada oo soo jiidatay jilayaasha kale ee gobolka ka baxsan ee ku tartamaya xiisadda kulul ee Itoobiya iyo Ereteriya. Imaaraatka Carabta ayaa saameyn xooggan ku leh gobolka, iyadoo ay fududeysay iskaashi buuxa oo ay la sameeyeen Itoobiya lixdii sano ee ugu dambeysay, waxaana mashruuca dekeddu uu soo celin karaa mowqifka Itoobiya. Ku lug lahaanshaha Imaaraadku waxa kale oo ay sii kicin kartaa tartanka istaraatiijiyadeed ee Sucuudiga, kaas oo Abu Dhabi uu hore ula galay dagaal wakiilnimo sannado badan socday dagaalkii sokeeye ee Suudaan.
Dhaqdhaqaaqa Masar ayaa sidoo kale niyad jab ku noqon kara Ankara, oo saameynteeda iyo sumcadeeda si xawli ah ugu kordheyso gobolka Geeska Afrika, waxaana xusid mudan ka dib diblumaasiyadda xirfadda leh ee Turkiga uu dhawaan ku dhex dhexaadiyay Itoobiya iyo Soomaaliya xiisad bilo ah oo ka dhalatay heshiis dhinaca badda ah. Ku lug lahaanshaha jilayaasha dibadda kaliya maaha inay sii xumeeyaan xiisadda sababtoo ah sidoo kale waxay wiiqaysaa dadaalka nabad-raadinta. Sidaa darteed, xiisadda Asmara iyo Addis Abeba waxay halis ugu jirtaa inay khalkhal geliso xaaladda amni ee gobolka ka jirta iyo inay khalkhal geliso xorriyadda socdaalka badda Cas iyo marin-biyoodka Bab-el-Mandeb, taas oo horeba u haysatay culays ka dib markii uu dagaalka Qasa ka dillaacay uu dhaliyay xannibaad ay marinka badda cas saareen Xuutiyiinta Yemen.
Ereteriya, ayaa soo muujisay inay diyaarinayso xulafadeeda dibadda, kaddib markii la arkay 9-kii bishan Maarso, 2025; wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya, Cusmaan Saalax oo gaaray magaalada Riyadh ,halkaa oo uu kula kulmay dhiggiisa boqortooyadda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdalla, wuxuuna dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki gaarsiiyay dhaxal sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasiis. Waxa xigay inay soo baxeen warbixinno ay warbaahintu baahisay oo lagu sheegay inuu Sacuudiga la wareegayo dekedda Casab , tana haddii ay dhacdo waxay quus goynaysa damaca Itoobiya oo gaarista dekedaa Casab iyo weerar ay ku qaadi karaan Ereteriya!
Gabagabada, waxa kaliya ee furan oo dagaal gobolka oo sidoo kale saameyn ku yeelan kara dunidda lagu joojin kara ayaa ah in dib xulafada labada dhinaca ay u billaaban habab lagu gaarayo wada-xaajood nabadeed oo dib loogu soo celin karo ama ugu yaraan lagu qaboojin karo cabsida laga qabo dagaal ka dhex qarxi kara Itoobiya Ereteriya.