Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa dhigtay Ciidamo fara badan hareeraha Hotelka Qaahira ee magaalada Baladweyne oo ay maanta weerar culus ku qaadeen xubno ka mid ah dagaalameyaasha Al shabaab kuwaasoo weli ku sugan gudaha hotelka
Dadka deegaanka ayaa wariyay in Al shabaab ay saaciday hub fara badan oo gudaha hotelka yiilay kaasoo keyd ahaan ugu yiilay ciidanka ilaalinayey hotelkaas oo noqday wax dhintay iyo dhaawacmay.
Ciidamada AUSSOM oo isku dayay in ay Al shabaab soo afjaraan ayaa dib ugu laabtay xeryahooda kuwaasoo markii dambe sheegay inay duqeynayaan hotelka laguna duminayo xubnaha ku jira, lamana oga iney weli ku jiraan hotelka dad shacab ah oo weerarka ka badbaaday.
Dadka ka og dhow hareeraha hotelka ayaa tan iyo Saaka Guryahooda ka maqan kuwaasoo xaafadaha kale ee Beledweyne ku hoyanaya Caawa.