Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa dhigtay Ciidamo fara badan hareeraha Hotelka Qaahira oo ay maanta weerar culus ku qaadeen xubno ka mid ah dagaalameyaasha AS kuwaas oo weli ku sugan gudaha hotelka
Dadka deegaanka ayaa wariyay in AS ay saaciday hub fara badan oo gudaha hotelka yiilay kuwaas oo dagaal lagula geli rabay loogana ssari rabay galbeedka Hiiraan.
Ciidamada AUSSOM oo isku dayay in ay AS soo afjaraan ayaa dib ugu laabtay xeryahooda kuwaas oo markii dambe sheegay in ay duqeynayaan hotelka ay ku jiraan ASka laguna duminayo.
Dadka ka ogdhow hareeraha hotelka ayaa tan iyo Saakay Guryahooda ka maqan kuwaas oo xaafadaha kale ee Beledweyne ku hoyanaya Caawa.
Beledweyne Caawa xaalad adag ayay ku jirtaa maadaama AS ay ka dhex dagaalamayaan hotel ku yaalla gudaha Magaaladaas.
Ciidanka Booliska Puntland oo War saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay maanta xabsiga dhigeen eedaysane Cabdifitaax Cabdinuur Faarax loo haysto in uu jir-dil ku sameeyay wiil yar oo Yemeni kaasoo uu ku dhex garaacay suuqa INJ ee magaalada Garoowe.
“Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay eedaysane lagu arkay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey, isagoo si xun u jirdilaya ilmo yar suuqa magaalada Garoowe. Eedeysanaha ayaa magaciisu yahay Cabdifitaax Cabdinuur Faarax” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka hordhaca ah oo ay sameeyeeen uu caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga, Sidaas darteed waxay sheegeen in uu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar.
“Baaritaanka hordhaca ah ee Boolisku sameeyey ayaa caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga. Sidaas darteed, wuxuu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar. Eedeysanaha ayaa ka mid ah waardiyeyaasha Suuqa Inji ee Garoowe.” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka
“Ciidanka Boolisku, iyagoo fulinaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, ayaa degdeg uga falceliyey dhacdadan, waxaana eedaysanaha loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si sharciga loola tiigsado” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.
Ciidanka Booliska ayaa caddeeyay in dhammaan sharciga la marsiin doono cid kasta oo ku lug leh falal ka hor imaanaya xeerarka iyo anshaxa Ciidanka, kana dhan ah ilaalinta xuquuqda shacabka. Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in uu xoojiyey dadaallada la dagaallanka cid kasta oo si khaldan u adeegsaneysa dharka iyo magaca Ciidanka.
Dhinaca kale, Â Duqa Magaalada Garowe Geedi ahmad Tuure ayaa ka Hadlay Gafkii Maanta ilamaha yar ugeeystay Nin kii Tuutaha Ciidanaka qabay waxaana uu kulan la qaatay Qoyska dhibtu gaartay waxaana uu yiri .
Waxaana caawa wakhti la qaatay Maxamed Caadil Xuseen oo aan la wadaagay dareenkayga iyo sida aan uga damqanay falkii maanta lagula kacay, Iyadoo Askarigii falkaasi geystay ay Dowladda tallaabo ka qaaday lana soo xiray. Waxaan kafaalo qaadnay Maxamed noloshiisa iyo degaankiisa.
Max’ed Yare iyo qoyskooda waxay ka mid yihiin bulshada ku dhaqan caasimada Garoowe, masuuliyad ayaana naga saaran bulshada dhammaanteed, waxaan rajayneynaa in dhacdooyinka noocaasi oo kale ah aysan caasimada ka dhicin.
Sidoo kale, heyadda Xuquuqda aadanaha ee Puntland ayaa cambaareysay falka lagula kacay wiilka yar iyagoo bogaadiyey talaabada ay ciidamada Puntland ku xireen askariga falkaas geystay.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA HEYADDA IYO SAWIRADA