Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg ama website oo ku lahaayeen barta Internet-ka.
Sidoo kale dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, iyadoo xogtaasi ay sahli doonto in talaabo laga qaado sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta Somalia.
“Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan ayaa waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo” ayaa sidoo kale lagu yiri War saxaafadeedka.
Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha Internetka ah ee ayaa sheegay iney sidoo kale mar dhow rajaynayaan inay gacanta u soo galaan Website-yada kale eeal shabaab ku gudbiyaan wararkooda.
Linkiyada website-yada lala wareegay waxay kala yihiin.
dhaxalgal.net
warkiislamka.com
dhaxalgal.com
somalimemo24.com
somalimemo24.net
radioalfurqaan.co
dhaxalgalka.info
faafreeb.com
faafreeb.net
faafreeb24.com
faafreeb24.net
amirnur.com