Rasaas goos goos ah ayaa caawa weli laga maqlayaa hotelka Qaahira ee galbeedka Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo muddo 13 saacadood ka badan ay ka dhex dagaalamayaan rag ka tirsan Al Shabaab oo saaka waaberigii gudaha u galay.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa caawa maqribnimadii baahiyey in la soo afjaray weerarka lana laayey dhamaan dableydii hotelka ku jirtay hase ahaatee warkaas ayaa beenoobay maadaama la soo werinayo in aaga hotelka weli rasaas la isku weydaarsanayo.
Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Baledweyne, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa ku biiray howlgalka la doonayo in lagu soo afjaro weerarka Al-shabaab ku gashay waabarigi hore ee saakay hotelka.
Howlgalkan ayaa qaatay saacado badan waxaana wali gudaha hotelka Qaahira ka dhex dagaalamaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka qaraxa ku bilaawday ku galay gudaha hotelkaas waabarigii hore ee saakay.
Saraakiisha amniga Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in labo nin oo ka tirsan dableyda Al shabaab ay weli rasaas iyo bambooyin ka soo ridayaan dabaqa sare ee Hotelka oo qeybo ka mid ah olol uu qabaday ka bdib markii lagu garaacay hub culus.
Xaalada magaalada Baladweyne ayaa kacsan caawa iyadoo meel walba ay koox koox u gaaf wareeegayaan ciidamada amaanka, shacabka ayaana cabsi xoogan dareemaya iyadoo inta badan goobaha ganacsiga la xiray meelaha ku dhow aaga hotelka la weeraray.