Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hor tagey qaar ka mid ah askarta Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmey dagaalka lagu ciribtirayo al shabaab ee ka socda gobolada dalka qaarkood.
Ciidan ayaa dayuurado Helicobter ah oo ay leeyihiin ciidanka cirka Soomaaliyeed looga soo daabulay jiidaha hore ee dagaalkka Sh/dhexe
Xassan Shiikh ayaa ugu laab qaboojiyey askarta dhaawaca ah iney yihiin geesiyaal naftooda u huray difaaca dalkooda iyo dadkooda ayna leeyihiin mudnaan gaar ah
Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo askarta dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu ciribtirayo kooxda al shabaab oo weerar jihooyin kala duwan ah ku soo qaaday degaano ka tirsan Shabeelaha dhexe.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA