Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Baraag Cali Gaduud (Sawirro)

Ciidanka Xoogga Dalka oo Jab Culus Gaarsiiyay Khawaarijta Howlgal ka Dhacay Baraag Cali Gaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo 25km u jirta Magaalada Xarardheere ee goboilka Mudug.

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday fariisimo ay kooxda al shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada deegaanka sida lagu sheagay war ka nsoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka

“Waxaa hoggaaminayay ciidankan Kaaliyaha Guutada 17-aad, G/lle Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), ayaa si guul leh u burburiyay xarumihii maleeshiyaadka, iyagoo cagta mariyay goobihii ay isku uruursanayeen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka.

G/lle Cali Cagey ayaa sheegay  in ciidamadda ay dileen Xubno badan oo Al shabaab ka tirsanaa, halka kuwa kale ay goobta isaga firxadeen iyagoo dhaawacyo qaba.

“Jab xooggan oo naf iyo maalba leh ayaa lagu gaarsiiyay cadowga, taasoo dhibaato weyn ku noqoneysa dhagaraha ay shacabka u maleegayeen” ayuu yiri G/lle Cali Cagey oo intaas ku daay iney sii wadi doonaan howlgaladan inta kooxda Al shabaab laga saarayo gobolada dhexe.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Muwaadin Mareykan ah oo kamid noqday dadkii laga sii daayay xabsiyada Suuriya

Cabdi Cade

Nin ka qeyb galay 238 doorasho oon weligii hal mar aan guuleysan markalana tartamaya !

Cabdi Cade

Saldhigyo ciidamada dowlada & AMISOM ku leeyihiin Sh/hoose oo la Weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---