Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Baladweyne: Weerarkii Al-Shabaab waa la soo afjaray

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la soo afjaray weerar saaka waaberigii ay ku qaaday kooxda Al shabaab hotelka Qaahira ee ku yaala galbeedka magaalada Baladweyne kaasoo isugu jiray qarax ismiidaamin ah iyo dabley hubeysan oo hotelka ka dhex dagaalamay maanta oo dhan.

“Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu Tacsi tiraanyo Leh u dirayaa ehelkii qaraabadii iyo asxaabtii aay ka Baxeen muwaadiniinta ku geeriyooday Weerarkii Gaadmada ahaa ee kooxaha naflacaariga ah ee khawaarijta aay ka geeysteen Hotel Qaahira ee magaalada beledweyne ayadoo aay tahay bil Ramadaan midaasoo muujneeyso sida cad ee  Khawaarijta ay  duulaan-ka ugu yahiin Diinta iyo Nafta qofka muslimka ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan

“Falalka fulaynimada ah ee ay sameeynayaan khawaarijta ma ahan kuwa cabsi gelin karo Dadka Reer hiiraan waxaana laga bixinayaa jawaabta ugu Adag sidoo kale khawaarijta oo lagu jabiyey Dagaalada ka dhanka ah ee ka socdo gobalka Hiiraan oo ah kuwo ay dharbaaxo xun kala kulmeen ma ahan doonaan kuwo ka istaagi doona” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Hotelka Qaahira oo maanta ay weerareen Al shabaab ayaa illaa galab dhacii maanta waxaa ka dhex dagaalamayay xubno ka mid ah dagaalameyaashii gudaha u galay qaarkood.

Soo afjaridda xubnahan ayaa waxaa ku biiray Ciidamada AUSSOM sida Jabuuti iyo Itoobiya kuwaa oo degan Beledweyne.

Dad ka badan 12 Ruux ayay Al shabaab ku dileen weerarka ay ku qaadeen goobta ay weerareen ee Qahira Hotel kuwaasoo iskugu jiray odayaal dhaqameedyo, ganacsato iyo saraakiil ka tirsan beesha Gaaljecel.

Dadka ku sugan Beledweyne ayaa shaaca ka qaaday in Al shabaab ay Bambaanooyin ka dhex ridayeen hotelka illaa maqribnimadii caawa.

 

Related posts

Madaxweyne Geelle: “Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto”

Caydiid Ali

Markab sida saanad Milateri oo ku soo xirtay dekeda Baraawe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaali aroos ku dhiganeysay Ottawa oo la weeraray iyo Khasaaro badan oo ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---