Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa fadeexad iyo ceeb kala kulmay sawiro uu ku baahiyay boggiisa facebook.
Abiy ayaa ku sheegayay boggiisa in horumar fiican uu dalkiisa ka gaaray wax soo saarka miraha Tufaaxa isagoo soo qaatay sawiro muujinaya beero uu tufaax ka baxaayo
Hase ahaatee shabakada Ethiopia Check oo arrintaas baaritaan ku sameysay ayaa sheegtay in sawiradan uu soo qaatay Abiy aysan Itoobiya ahayn oo Maraykanka iyo meelo kale laga soo qaatay taasoo fadeexad ku noqotay raisul wasaaraha Itoobiya
Marreegtan Ethiopia Check ayaa inta badan hubisa oo dabagal ku sameysa wararka iyo sawirada Itoobiya la xiriira waana mid aad loogu kalsoon yahay.
RW Itoobiya ayaa ugu dambeyn markii ay talo ku cadaatay qoraalkii iyo sawiradiiba ka saaray boggiisa Facebook, iyadoo shacabka Itoobiya isweydiinayaan sida ay ku dhacday in Abiy Ahmed oo ah masuulka dalkaas ugu sareeya uu galo qalad intaas le’eg.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA