Allbanaadir.com
NEWS

Xiisada u dhexeysa Itoobiya & Eritrea oo sii kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo.

Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka  Itoobiya ee ah inay hesho dekad rasmi ah, taasoo ay Eritrea si adag uga hor timid.

Maxaa Sababay Xiisadda?

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa horay u sheegay in Itoobiya, oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof, aysan sii ahaan karin waddan aan lahayn dekad rasmi ah. Hadalkan wuxuu dhaliyay dareen adag, gaar ahaan dhinaca Eritrea.

Heshiiskii Pretoria, oo lagu soo afjaray dagaalkii Tigray, ayaa sidoo kale qayb ka ah khilaafka, maadaama Eritrea aysan si buuxda uga qayb gelin wada-hadallada, taasoo abuurtay kalsooni darro cusub.

Labada dal waxay xoojinayaan dhaqdhaqaaqooda ciidan ee xuduudaha.

Kumanaan askari ayaa la geeyay Galbeedka Tigray (Wolkayit) iyo Canfarta, taasoo sare u qaaday cabsida suurtagalnimada inuu dhici karo dagaal labada ay fooda is daraan.

Waxaa jirta walaac weyn oo laga qabo in khilaafkani isku beddelo gacan ka hadal, taasoo saameyn ballaaran ku yeelan karta gobolka Geeska Afrika.

Khubarada siyaasadda caalamiga ah waxay ku baaqayaan in xiisadda lagu dhameeyo wadahadal si looga fogaado isku dhac  Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkani uu keeno cawaaqib halis ah oo ka baxsan Itoobiya iyo Eritrea.

Related posts

Taliban oo qabsatay goobo ay dalka Afghanistan ka joogeen xoogaga Daacish

Caydiid Ali

Maraykanka oo ku deeqay gaadiid Milateri oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Diiwaangelinta Barakcayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo la daahfuray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---