Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay aagga deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al Shabaab, iyadoo la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.
War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda NISA , ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 16-xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen kooxdaasi ciidanka NISA weerareen.
Hay’adda NISA a, ayaa sheegtay in xubnahan katirsanaa Al Shabaab ee la dilay maalmihii lasoo dhaafay ay go’doon ku ahaayeen dhul howd ah oo dhaca deegaanka Basra, waxa ayna sheegeen in howlgalka xubnahan lagu laayay uu dhacay labo mar oo kala duwan.