Mas’uuliyiin katirsan maamulka magaalada Moscow, ayaa xaqiijiyay in hal qof rayid ah uu ku dhintay, saddex kalena ay ku dhaawacmeen, weerar dhinaca cirka ah oo xalay diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo leeyihiin Ukraine ku qaadeen caasimadda Ruushka.
Weerarkan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn xalay loo adeegsaday ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kii ugu weynaa ee ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadan gudaha dalka Ruushka muddo saddex sano ah, weerarkan ayaana u muuqda mid Ukraine uga aargoosaneyso Ruushka.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in difaaca cirka ay soo rideen 337 diyaaradood oo Ukraine ku weerartay ilaa 10 gobol oo Ruushka ka tirsan habeenkii xalay, diyaaradahan ayaana waxaa soo riday nidaamka difaaca Ruushka.
Diyaaradahan Ukraine, ku weerartay magaalooyin katirsan dalka Ruushka ayaa sababay in dab qabsadaan dhismayaal waa weyn, waxaana la xaqiijiyay in ay bur bureen sidoo kale gubteen dhismayaal dhoor ah, waxaa sidoo kale gubtay gawaari badan.
Weerarkan Ukraine ku qaaday gudaha Ruushka , ayaa ku soo aadaya xilli wafdi ka socda Ukraine lagu wado inay Sacuudiga kula kulmaan madax katirsan dowladda Mareykanka , kuwaa ay kala hadli doonaan soo afjarida dagaalka saddexda sano dalkaasi ka socda.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com