Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa saakay lagu weeraray guri weyn oo kuyaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne , waxaana qaraxa kaddib gurigaasi gudaha u galay kana dhax dagaallamaya rag hubeysan oo katirsan kooxda Al Shabaab.
Sida aan wararka ku heleyno dhismaha guriga weerarka lagu qaaday , ayaa wali laga dhax maqlayaa rasaas xooggan, waxa ayna dableyda hubeysan ee galay dhismaha guriga la sheegay in halkaasi ka geesanayaan toogasho ay u geesanayaan dadka ku sugan guriga.
Guriga weerarka lagu qaaday oo hotel camal ah, ayaa la sheegay in ay degnaayeen odayaal dhaqmeed iyo saraakiil ciidan oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel, kuwaa oo halkaasi ka waday abaabul dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaannada galbeedka gobolka Hiiraan.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka socdo, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan weerarkan saakay lagu qaaday guriga kuyaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, lamana oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.
Mooto Bajaaj ay wateen kooxdii weerarka ku gashay guriga kuyaalla magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale goordhaw qaraxday, waxaana qasan xaalada xaafada Howlwadaag oo saakay qaraxyo iyo rasaas toos ah oo la is dhaafsanayo ku waabariisatay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com