Dabcan, sida qof walba uu u arkayo waa wax cajiib ah sida dhaqsadaha ee ay isku beddeshay xaaladda Suuriya , kaddib heshiiska dawladda iyo kooxda Kurdida ee SDF oo ah awoodda u sarreysay ee ka soo horjeeday Dimishiq iyo albaabka khalkhal-gelinta xasilloonida Suuriya oo hadda la xiray!
Xaggee ka yimid isbeddelkan deg degga ah?
Toddobaadkii hore , magaalada Amman ee caasimadda Jordan , waxay martigelisay kulan u dhaxeeyay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Turkiga , Suuriya , Ciraaq, Lubnaan iyo Jordan , ujeedka wuxuu ahaa sidii wadajir ah dhinacyadu u qaadi lahaayeen mus’uuliyada ka hortagga inay dib usoo noolaato Daacish, tan oo ahayd waxa ay ku dhaganaayeen ciidanka SDF , iyagoo bixiyay dammaanad qaad iyo isbahaysi wadajir ah oo ay ku ilaalinayaan saldhigyada ay ku xiranyihiin xubnaha Daacish ee ku yaal waqooyi-bari Suuriya iyo howlgallo lagu xaqiijinayo inan mar kale lagu arag gobolka dhaqdhaqaaqa Daacish!
Tan waxaa xigtay booqasho uu shalay Suuriya ku tagay taliyaha taliska dhexe ee ciidanka Maraykanka (CENTCOM) Jen. Michael Kurilla oo wada-hadal saacado socday la qaatay taliyaha ciidanka Kurdida ee SDF , Mazlum Kobane, marka uu kulanka Soo dhammaaday wuxuu Mazlum u duulay Dimishiq wuxuuna heshiis la saxiixday Madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac , kaa oo dhigayay inay ciidanka SDF ku biirayaan ciidanka dawladda Suuriya, halka ay ku wareejinayaan xadduudaha, saldhigyada milatari, garoommada diyaaradaha iyo ceelasha shidaalka dawladda Suuriya , tallaabo noqotay guushii u sarreysay ee u gaaray madaxweynaha Suuriya , taa oo meesha ka saartay hubaanti la’aanta mustaqbalka Suuriya!
Hadda aan ku sheego marka sida uu ku dhacay heshiiska ; SDF waxba ma aha la’aanta Mareykanka , marka Mareykanka , Turkiga iyo dhinacyada kale oo ay ka maqanyihiin Iran iyo Israa’iil ayaa meel isugu geeyay danahooda, taa oo aan ula jeedo waxay la safteen dawladda Suuriya ee u hoggaamiyo Axmed Sharac oo dabool diblomaasiyadeed ka hesha Turkiga , sidoo kalena taageerra ka hesha inta badan dawladaha Carabta oo ay ugu horreeyaan kuwa khaliijka ee Qatar iyo Sacuudiga! Ujeeddooyinka la mideeyay waxay awood siisay Dimishiq , tana waxay dadka Suuriya ku gaareen 15 sanno kaddib in dhammaan gobollada la hoos geeyo Dimishiq.
Arrimuhu kuma dhicin kharash la’aan oo Turkiga iyo Dimishiq , waxaa jira dammaanad qaad ay bixiyeen iyo wax ay ka tanaasuleen, ma cadda haddii Turkiga uu hoos u dhigayo saldhigyada uu doonayay inuu ku fidayo Suuriya , kaddib marka Dimishiq ay gaartay dhammaan xadduudaha Suuriya , marka laga reebo xadduudda koonfureed oo ay joogaan ciidanka Israa’iil oo heshiiska SDF , kaddib la kulmi kara cadaadis caalami ah oo ay uga baxayaan dhulka Suuriya.
Diblomaasiyad xasilloon oo aan la saadalin karin mustaqbalka waxa ka dhalan doona ayaa isku keenay Suuriyaanka , waxa la huba ayaa ah waxaa la ciribtiray inaysan mar kale saameyn ku yeelan Iran gudaha Suuriya , waxayna Tehran wajahaysa caawa guul-darro istaraatiji ah oo kala daadisay riyadeeda mustaqbalka ee bariga dhexe..!
Arag khariirada Suuriya , caawa waxay noqotay mid cagaaran oo ka dhigan Suuriya oo dib u midowday iyo dawladda Sharac oo gaartay tallaabadii u horreysay ee ay ku sal-dhigaynayso!
W/Q Iman Jamac