Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa caawa kulan afur ah ku martiqaaday Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yasin Xaaji Daahir & Xildhibaan Aadan Cismaan Qoryooleey
Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxay si qotodheer uga sheekeysteen xaaladihii u dambeeyay ee dalka gaar ahaan arrimaha siyaasada, amniga iyo horumarka.
Labada nin ayaan faahfaahin ka bixin kulankooda caawa ka dhacay magaalada Nairobi.
Fahad Yasin ayaa u yimid Kenya daahfurka Buugiisa “Sooyaalka Suubbanahaﷺ”oo dabayaaqada usbuucan lagu soo bandhigayo magaalada Nairobi.
Fahad iyo Khayre ayaa horey ugu kala fogaaday siyaaasada markii Madaxweyne Farmaajo xiligiisii si fudud looga tuuray xilka Raisul Wasaaraha markaasoo Fahad uu ahaa taliyaha sirdoonka dalka.
Hase ahaatee labada nin ee xiligaas siyaasadu kala irdheysay ayaa hadda ku wada jira safka siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan siyaasadaha ay dalka ku maamulayaan Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo dowladiisa.