Allbanaadir.com
NEWS

Shariif oo dhaliilay dagaalka DF ee ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa muuqaal uu maanta baahiyey ku dhaliilay Dowladda Federaalka inay siyaasadayneyso dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, halkii ay si dhab ah uga shaqeyn lahayd amniga dalka.

Wuxuu xusay in mucaaradku muddo dheer ka digayeen xaaladaha amni ee sii xumaanaya, balse ay dowladda ka doorbiday in talooyinkooda la dhayalsado.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey in dowladihii waaweynaa ee sida weyn ugu dadaalayey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab talooyinkoodii amni aan la tixgelin, taas beddelkeedana la eedeeyey:

“Runtii annaga waligeen talo ayaan ka bixinaynay, haddana waan ka bixinaynaa, laakin talada waa la isku dhibsaday… Annaga iska daaye, dowladihii waaweynaa ee waqtiga ku bixiyay amniga waddankan ayaa xogihii ay soo gudbiyeen iyo talooyinkoodii lagu eedeeyey oo aan la dhowrin. Annaga hadalkeennu meesha maba yaallo.” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in fariimaha iyo digniinaha amniga ee ay soo dirayaan dowladaha saaxiibka ah ee caawiya Somalia ay mudan yihiin in dhab loo qaato, bedelkii iyaga la eedeyn lahaa.

“Waxaan halkaan mar kale ka boggaadinayaa howlgallada ciidamada dowladda & kuwa deegaanka (Macawisleyda) ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeysatay daadiinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri shiikh Shariif

HOOS KA DAAWO HADALKA SHARIIFKA

Related posts

Fidan oo mar kale la kulmay dhigiisa Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Dad cusub oo laga helay cudurka COVID-19 & dowlada Somalia oo ka hadashay

Caydiid Ali

Xaafada Woolwich ee Magaalada London oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul Fitriga (Sawiro)

admin
Taboola Ads ---