Madaxweynaha Suuriya Axmed Sharac ayaa xaqiijiyay guul siyaasadeed oo hoos u dhigaysa hubaanti la’aanta mustaqbalka Suuriya, kaddib heshiis rasmi uu waxyar ka hor uu la gaaray taliska ciidanka kurdida SDF ee gacanta ku heysa waqooyi-bari Suuriya, iyadoo heshiiska uu suragelinayo in ciidanka dawladda Suuriya laga geeyo xadduuda bari oo ah halka khatarta ugu sarreysa uu maamulka Dimishiq uga imaanayo, taa oo ay dheertay dawladda Suuriya inay la wareegayso gacan ku heynta ceelasha shidaalka ee SDF ay maamusho, halka ciidanka kurdida ee SDF la hoos geynayo wasaaradda difaaca Suuriya.
Qodobbada ugu muhiimsan heshiiska waxaa ka mid ah
Waxaa maanta wadajir ah u saxiixay heshiiskan Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac iyo hoggaamiyaha ahna taliyaha ciidanka Kurdida SDF, Mazloum Cabdi ;
1-Dammaanad qaadka xuquuqda dhammaan dadka Suuriyaanka ah si ay u matalaan uga helaan geeddi-socodka siyaasadda iyo dhammaan hay’adaha dawliga ah , hab ku salaysan kartidooda, iyadoon loo eegayn diintooda iyo qowmiyaddooda.
2-Bulshada Kurdiyiinta waa bulsho asal ahaan ka soo jeeda dalka Suuriya, waxaana dawladda Suuriya ay dammaanad qaadaysaa xuquuqdeeda muwaadinimo iyo dhammaan xuquuqdooda dastuuriga ah.
3- Xabbad- joojin laga sameeyo guud ahaan dhulka Suuriya.
4–Isku dhafka dhammaan hay’adaha rayidka iyo kuwa militariga ee waqooyi-bari Suuriya si loogu daro maamulka dawladda Suuriya, sida isgoysyada xadduuda, garoonka diyaaradaha, iyo goobaha shidaalka iyo gaaska.
5- Xaqiijinta in dhammaan dadkii ka barakacay Suuriya ay dib ugu soo laabtaan magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda iyo in la xaqiijiyo inay difaacayso dawladda Suuriya.
6-In dawladda Suuriya laga taageerro dagaalka ay kula jirto haraadiga Asad iyo wax kasta oo khatar ku ah ammaanka iyo midnimada Suuriya.
7-Diidmada baaqyada kala qaybsanaanta, nacaybka iyo isku dayga in fidno laga dhex abuuro dhammaan qaybaha bulshada Suuriya.
8–Heshiiska waa inuu dhaqangal noqdaa ugu dambeyn dhammaan sannadkan, iyadoo loo marayo guddiyo fulin oo kormeeraya dadaallada sidii heshiiska loo meel marin lahaa.
Laga billaabo subaxnimada berri, dawladda Suuriya waxay la wareegi doontaa irdaha xudduudaha, xabsiyada, garoomada diyaaradaha iyo saldhigyada milatari ee deegaannada waqooyi-bari Suuriya ee ciidanka kurdida SDF ay gacanta ku hayeen