Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo safar dibeda ah u ambabaxay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan la shaacin ku aaday maanta dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Villa Somalia kama hadlin safarka Madaxweynaha iyo ujeedada uu u booqanayo dalka Imaaraadka Carabta

Safarka ayaa ku soo aadaya xilligii uu muddooyinkii u dambeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ahaa mid aan hagaagsaneyn, kaddib dhacdooyin dhowr ah oo siyaasadeed awgeed oo labada dhinac si aan ku tala gal aheyn u qaadeen.

Dhawaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, gaar ahaan Wasiirkeeda iyo Wasiiru Dowlaheeda ayaa siyaabo iska horjeeda uga hadlay siyaasadda Arrimaha dibadda ee ku wajahan Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa dhowaan ku casuumay shir caalami ah oo ka dhacayey dalkiisa Madaxweynaha Somailand C/raxmaan Ciro arrintaasoo ay ka caroodeen madaxda sare ee dalka inkastoo aysan goob fagaare ah uga hadlin.

Related posts

Maamulka Gobolka Banaadir oo bur burin ka sameeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Soomaaliya oo dalbatay iney ku biirto Heshiiska Africa Growth and Opportunity Act (AGOA)

Caydiid Ali

Xog cusub: Khatarta Wasiirka amniga DF u horseeday xiriirka Somalia & Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---