Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay tartanka RW Xamse uu ka furay Muqdisho?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah-furay tartanka Qur’aan Akhriska sanadlaha ah ee heer Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay soo saaraan dhallinyaro xambaarsan kitaabka oo xufaad ah, dadkana bara diinteenna nasteexada ah iyo sunnaha, si aan ummadda uga dhex-saarno kuwa leexiyey hadalka Eebbe, isla markaana banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Tartanka Qur’aanku wuxuu bulshadeenna ku jihaynayaa in ay isku xirmaan, taas oo kor u qaadeysa  midnimada iyo wadajirka bulshooyinka muslimiinta ah, waxa aanna ku xasuusanaynaa muhiimadda weyn ee uu nolosha u leeyahay ku dhaqanka kitaabka iyo sunnaha, kuwaas oo ina faraya in aynu ilaallino islaamnimada iyo wuxuu Alle innagu amray”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Mudane Xamsa, ayaa culimada Soomaaliyeed ku booriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo iyo suulinta fikradaha khaldan ee looga been sheegayo diinteena suubban.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Muqdisho ka furay shirka maalgashiga Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo War cusub ka soo saartay dibed- baxii lagu balansanaa ee Mucaraadka

Caydiid Ali

Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---