Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Canada, Mark Carney, ayaa shalay loo doortay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Liberal-ka Canada, taas oo waddada u xaareysa inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Canada maalmaha soo socda.
Carney, oo 59 jir ah, ayaa beddelaya Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau, oo bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, balse xafiiska sii joogi doono inta laga dhaarinayo qofka isaga beddelaya. Carney ayaa ku guuleystay cod aqlabiyad ah, kaddib markii uu helay 85.9% codadkii la dhiibtay.
Wuxuu xilka la wareegi doonaa xilli ay Canada ka jirto xiisad ka dhalatay dagaalka ganacsi ee ay kula jirto Mareykanka, oo ay muddo dheer xulafo ahaayeen. Marka uu xafiiska yimaaddo kaddib, ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho guud bisha October.
Carney, oo ah nin ku cusub siyaasadda, ayaa ku dooday inuu ku habboon yahay dib u soo nooleynta xisbiga iyo inuu kormeero wada xaajoodyada ganacsiga ee Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaas oo ku hanjabaya canshuuro dheeraad ah oo curyaamin kara dhaqaalaha Canada, gaar ahaan qeybta ku tiirsan badeecadaha dibadda loo dhoofiyo.
Carney ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee aan khibrad siyaasadeed lahayn oo ku soo baxa xilka Ra’iisul Wasaaraha Canada. Hase yeeshee, wuxuu soo noqday Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalalka Canada iyo Britain, sidoo kale wuxuu madax u soo noqday labada bangi ee ugu waaweyn dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida ee loo yaqaanno G7.