Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa maanta ku dhawaaqday in ay Soomaaliya siinayso in ka badan $40 milyan oo gargaar bani’aadannimo iyo caafimaad ah, si wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee haysta bulshooyinka ugu nugul.
Maalgelintan cusub, ayey safaaraddu sheegtay in ay ka jawaabi doonto saameynta ka dhalatay roobabkii hooseeyay ee dhawaan da’ay, iyadoo sidoo kale in lagu xoojinayo dadaallada muddada dheer ee lagu dhisayo adkeysiga bulshooyinka, si ay uga hortagaan dhibaatooyinka ay keenaan colaadaha, abaaraha, iyo isbeddelka cimilada.
“Lacagtan ayaa lagu maalgelin doonaa adeegyo badbaadin nololeed, oo ay ka mid yihiin raashin degdeg ah, biyo nadiif ah, iyo adeegyada caafimaadka, iyadoo sidoo kale la taageeri doono barakacayaasha, si ay u helaan hoy iyo adeegyada lagama maarmaanka ah,” ayey war-saxaafadeed ku tiri safaaradda.
Sidoo kale, maalgelintan ayaa qayb ka noqon doonta barnaamijyada dhismaha adkeysiga, oo ay ka mid yihiin nidaamyada digniinta hore, diyaarinta masiibooyinka, iyo taageeridda hab-nololeedka bulshooyinka halista ugu jira dhibaatooyinka cimilada iyo colaadaha dalka oo dhan, sida ay sheegtay safaaradda
Safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa isagoo ka hadlaya maalgelintan cusub yiri: “Maalgelintani waxay muujineysaa sida ay UK uga go’an tahay taageerada Soomaaliya iyo dadkeeda.”
“Annaga oo la shaqeynayna la-hawlgalayaal lagu kalsoon yahay, waxaan hubinaynaa in adeegyada aasaasiga ah ay gaaraan kuwa ugu baahi badan, isla markaana aan dhisno mustaqbal adkeysi leh oo waara. Waxaan meel fog gaari karnaa, haddii aan si wadajir ah u socono.”