Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Xoosh: “Deni waa keligii taliye hurinaya colaad hubaysan”

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Siciid Deni in uu yahay keligii-taliye aysan jirin wax dabraa islamarkaana uu hurinayo colaad hubaysan.

“Haddii ay xilkasnimo masuuliyadeed jiri lahayd khatarta Daacish maanta heerkaas inaguma gaarteen, qiimahaas sareeyana inagagama baxdeen. Difaaca khatartii la dayacey toddobadii sano ee la soo dhaafey, reer Puntland waxay ku bixiyeen qiime aad u sareeya ciidan iyo shacabba, iyadoo weli lagu guddo jiro halgankii, waxaa foolxumo ah in MW Deni libintii halganka keli iskaga dhigo iskuna xardho taalooyin iyo munaasabaddo   lagu amaanayo.” ayuu yiri wasiirka

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirku sheegay in deni uu meesha ka saaray doorkii garsoorka uuna isagu go’aamiyo dambiilaha iyo dembgi laawaha.

“Waxaa kale oo wax la yaable ah in doorkii Garsoorka uu meesha ka saarey, isago oo si shaqsi ah meel fagaare ah uga go’aamiyey qofka danbiilaha ah iyo kan aan danbiilaha aheyn” ayuu yiri wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xoosh oo bayaan soo saaray.

“Waa u caqli darro in uu marlabaad ku goodiyo hurinta colaad hor leh iyadoo boogihii hore iyo dhibkuu geystay ay weli damqanayaan, wuxuuna guulo u arkey khaladaadkiisi hore ee boobka iyo dhiig daadinta ahaa kuwaas oo dhaxal siiyey dhaqamadda keligitlisnimadda aan wax dabraa jirin” ayuu sii raaciyay bayaanka Cali Xoosh.

Related posts

Madaxweyne Emmanuel Macron oo albaabada u furay in Falastiin loo aqoonsado Dowlad

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo digniin ka bixisay musiibo ku soo wajahan Bariga Afrika

Caydiid Ali

(Daawo sawirro) Madaxweyne Trump oo qaaday talaabo ka yaabisay shacabka Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---