Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo , ayaa maanta u ambo baxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo la filayo in kulamo kala duwan kula qaato qaar kamid ah madaxda dalkaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa in madaxda dalka Imaaraadka kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay uga taageeri lahaayeen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan kooxaha hubeysan ee dowladnimada kasoo horjeeda.
Dalka Imaaraadka Carabta oo xiriir dhaw la leh dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa marar badan ku kacay xadgudubyo ka dhan ah qarannimada Soomaaliya, waxa ayna dhawaan shir ka dhacay dalkaasi ku casuumeen Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Safarkan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu ambobaxay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha la hadal hayay in uu tagayo furumaha hore ee dagaalka gobolka Shabeelaha Dhaxe, si uu u dhiiragaliyo ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al Shabaab.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com