Ciidamada booliiska dalka Kenya, ayaa xabsiga dhigay baarisna ku bilaabay, nin lagu eedeeyay in si iskiis ah u dhistay saldhig booliis, sidoo kale deegaanka uu saldhigga ka sameestay ka sameyn jiray roondo amni xaqiijin ah.
Ninkan booliiska xireen ayaa lagu helay in uu si sharcidarro ah uu saldhig boolis oo la yirraahdo Cherus Centre ka sameystay, degmo baarlamaneedka Kesses, waxaana la sheegay in ninkan uusan wax ogolaansho ah ka heysan adeegga booliska Qaran (NPS).
Warbaahinta Citizen ee laga leeyahay Kenya, ayaa baahisay in ninkan la xiray oo magaciisa lagu sheegay Collins Leitich, loona yaqaano Chepkulei, uu si iskiis ah isugu xilqaamay in uu saldhig booliis sameeyo, sidoo kale ninkan roondo amaan sugid ah sameeyo , waxa uuna saldhigga ku dhajiyay astaanta booliiska.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ogaaday furitaanka saldhigga sharci darrada ah, kuwaas oo si degdeg ah baaritaan u bilaabay. Booliska saldhigga Kamuyu oo hoos taga xarunta Kondoo, ayaa lagu wargeliyay isla markaana diiwaan geliyay dhacdadan oo dad badan aad ula yaabeen.
Booliiska Kenya, ayaana shaacin ilaa hadda sababta ninkan ku kaliftay in saldhig sharcidarro ah furto kuna dhajiyo sawirka astaanta booliiska, waxa ayna saraakiisha booliiska xaqiijiyeen in ninkan sharciga la horgeyn doono lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com