Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo dilay nin kooxda Al Shabaab shaqo muhiim ah u hayay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14-ka October, ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku khaarijiyay nin kooxda Al Shabaab uqaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka iyo sidoo kale Sahanka deegaanka Beledul-Amiin ee degmada Afgooye.

Ninkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Maxamed Maleele, ayaa ciidanka dowladda sheegeen in uu dhibaato ku hayay shacabka ku nool tuulooyinka hoostaga deegaanada Sabiid iyo Beledul-amiin, si gaar ah dadka beeraleyda ah oo uu si khasab ah baad ugu qaadi jiray.

“Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhagarqabe Daa’uud shartiisa ka horleexiyay Shacabka Soomaaliyeed, kuna Khaarijiyay deegaanka Beledul-amiin ee Gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri war lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Ciidanka dowladda, ayaa marar badan howlgallo qorsheysan ku dilay xubno kooxda Al Shabaab shaqooyin muhiim ah u hayay, gaar ahaan kuwa lacagaha iyo xoolaha dadka shacabka uga aruurin jiray.

Related posts

Faahfaahin: Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho & Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

(Sawirro) Daroogo lagu qabtay garoonka Aadan Cabdulle oo la soo bandhigay

Caydiid Ali

Dagaal kale oo galabta ka qarxay Guriceel iyo Xoogaga Ahlu-sunna oo laga jaray..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---