Allbanaadir.com
NEWS

Nin hubeysan oo ku sugnaa meel u dhaw Aqalka Cad oo la toogtay

Ciidanka ammaanka ee aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ee loo yaqaan Secret Servic, ayaa toogtay nin hubaysan oo ku sugnaa meel aan ka fogayn aqalka cad, kaas oo looga shakiyey inuu doonayey inuu weerar fuliyo.

Sida uu baahiyey Telefishanka CNN, wakhtiga rasaasta laga maqlay aqalka cad Madaxweyne Donald Trump ayaa ka maqnaa aqalka cad, isaga oo ku sugnaa xaruntiisa gaarka ah ee ku taal gobolka Florida.

Ninkan ay ilaalada aqalka ah toogteen ayaa isaga oo dhaawac ah loola cararay isbitaalka, iyadoo xaaladdiisa lagu tilmaamay mid aan weli caddeyn, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Ilaalada ee USSS.

Afhayeenka Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku sheegay in aanay wax dhaawac ahi soo gaadhin saraakiisha, dhacdadan darteed.

Ciidamada Secret Service ayaa digniin hore ka helay booliska deegaanka oo ku saabsan nin qaba xaalad naf-la-caari ah oo ka yimid gobolka Indiana kuna soo wajahnaa magaalada Washington.

Saqdii dhexe ayay ciidamadu heleen gaadhiga uu watay ninkan oo la dhigay meel ku dhow Aqalka Cad.

Intaa kadib waxay arkeen qof meel u dhow jooga oo tilmaamtiisa ay hore u siiyeen booliska deegaanka.
“Markii ciidamadu u dhowaadeen ninkaas, wuxuu la soo baxay hub, waxaana bilowday iska hor imaad hubaysan oo sababay in ciidamada ay rasaas ku furaan,” ayaa lagu yidhi warka SS.

Booliska magaalada Washington ayaa sheegay in dembi baadhiyaasha ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ee Mareykanka ay dhacdadan baadhitaan ku wadaan, balse faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin.

Related posts

Booliis Dabin cajiib ah u dhigay kooxo burcad ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo kulan looga hadlayo ajendayaal xasaasi ah ku leh Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---