Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la guddoonsiiyay saddex buug oo cilmibaaris ah

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmibaarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooneed ee hay’adda Cilmibaarista Hiddaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu ku haayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, halka buugga Cilmibaarista labaad lagu soo bandhigay nadaafadda Muqdisho iyo habka ugu wanaagsan ee bilicdeedii beri samaadka ku soo ceshan karto.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) buugga seddexaad ee ku guddoonsiiyay Madaxweynaha JFS ayaa isna diiradda lagu saaray Muqdisho iyo soo kabashadeeda amni iyo dhaqan dhaqaale ee xiligan.

Cilmibaarista seddaxda buug ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muhiim u ah dhinaca horumarinta Caasimadda dalka, si ay ula jaanqaado dhiggeeda dunida loona helo caasimad ka horumarsan dhan kasta.

Related posts

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo Digniin culus u diray Dowlada iyo Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Xukun lagu riday Dad la socday gaari lagu qabtay isaga oo wada agabka qaraxyada loo adeegsado

Cabdi Cade

Doorashada Shan kursi oo kamid noqonaya golaha Shacabka oo maanta la dooranayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---