Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale digniin adag u dirtay dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha Al Shabaab joogaan, gaar ahaan deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe oo kooxdaasi dhaqdhaqaaqyo ka wadaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhowr mar hore digniino kasoo saareen in loo dhawaado kooxda Al Shabaab , sidoo kale dadka shacabka ah la macaamilaan kooxdaasi.
“Iyadoo Dowladda ay dhowr jeer digniin ka soo saartey, haddana waxaan daraad Ceel Bacad ku aragney in weli aysan dadka qaar ka waantoobin welina la macaamilaan Khawaarijta. Anagoo aad uga fogaaneyna in Shacab wax yeelo ka soo gaarto duqeynta ayaa waxaan Amiiro ka tirsan Khawaarijta ku duqeyney deegaanka Ceel Bacad” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaana mar kale ku celiyay in dadka shacabka ah aysan la macaamilin kooxda hubeysan ee Al Shabaab, sidoo kale ka fogaadaan goobaha ay joogaan madaxda iyo askarta kooxdaasi oo ay suurto gal tahay in la duqeeyo.
“Waxaan mar labaad Shacabka uga digeynaa ineysan Khawaarijta la macaamilin, ayna ka fogaadaan meelaha ay joogaan. Ilaahayoow marqaati ka noqo inaan gaarsiiney” ayuu wasiirka Gaashaandhigga hadalkiisa kusoo koobay.
Digniintan cusub ee dowladda Soomaaliya dirtay, ayaa kusoo aadeysa xilli duqeymo culus lagu garaacayo deegaanno ay kooxda Al Shabaab kaga sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe , oo sidoo kale ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.