Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo tarxiilaya dadka Taageera Xamaas kana soo horjeeda Isra’il

Dowladda Mareykanka, ayaa bilawday in ay cadaadis saarto dadka kasoo horjeeda xasuuqa Israa’iil ka wado magaalada Gasa ee kunool gudaha Mareykanka , kuwaa oo marar badan ka qeyb galay dibadbaxyo ka dhan ah Israa’iil.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay inuu Mareykanku kala laabanayo kaarka degganayasha Mareykanka ee Green cards iyo fiisaha , dadka taageerra ururka Xamaas ee ku sugan gudaha Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ayaana markii uu soo baxay go’aankan xiray arday Falastiini ah oo lagu magacaabo Mahmoud Khalil oo ka qallinjabiyay jaamacadda Columbia, kaas oo door muuqda ka qaatay mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday Israa’iil ee ka dhacay Jaamacadda Columbia! Wuxuu heystay Green cards, balse waxay sheegeen waaxda socdaalka Mareykanka ee ICE in lagala noqday oo la tarxiili doono.

Go’aankan Mareykanka kasoo baxay ayaana saameyn xooggan ku yeelanaya dadka Mareykanka ku jooga
Green cards ama fiiso , kuwaa oo la tarxiilayo haddii ay ka qeyb galaan dibadbaxyada Israa’iil looga soo horjeedo laguna taageerayo Falastiin.

Related posts

Fahad Yaasiin oo kusii jeeda Gedo si uu u dhameestiro Heshiiska Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade

Abaabul Dagaal oo ka socda Muqdisho iyo Digniin culus oo loo diray Farmaajo

Cabdi Cade

UK oo maanta bilaabeysa raafka muhaajiriin loo tarxiilayo dal kuyaalla Qaarada Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---