Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay Culimada Diinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isaga oo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka Al shabaab iyo afkaarta xagjirnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka ayaa ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka afurka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

 

Related posts

Blinken oo Turkiga ka dhoofay & Madaxweyne Erdogan oo diiday inuu qaabilo (Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka oo ka hadlay shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda Soomaalida

Caydiid Ali

Duqeyn lala beegsaday xarunta Idaacad Al Shabaab leedahay iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---