Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Ciro kala hadlay Madaxweynayaashii hore ee Somaliland?

Madaxweyne Cirro ayaa maanta kula kulmay Gurigiisa Madaxweynayaashii hore ee Somaliland Muuse Biixi iyo Daahir Rayaale.

Madaxweynaha ayaa labada Madaxweyne ee hore uga horrayn uga xaal waramey xaalada guud ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa uu dabo socday kulamo hore oo uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) la yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Somaliland si ay  xogo-gaal ugu noqdaan iskana xaal waraystaan xaalada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Cirro oo kulankaas ka hadlay ayaa yidhi;

“Waxa aan galabta kulan iyo Afur wada qaadannay Madaxweynayaashii hore ee Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland ee 3aad iyo 5aad ee Mudane Daahir Rayaale Kaahin & Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Labada Madaxweyne ee hore waxa aan iska xog-wareysannay guud ahaan xaaladda dalka ee dhanka horumarka, dhaqaalaha, nabadda, iyo isbeddelada ay Xukuumaddeydu waddo.

Sida oo kale, Walaaladay Madaxweynayaashii hore waxa aan si qoto dheer u wada dul-istaagnay taariikhdii dib u dhiska dalkan, hayaankii dheeraa ee loo soo maray hannaanka qori isu dhiibka talada dalka iyo nidaamkeenna doorashooyinka.

Ilaahay idamkii waxaa noo sii socon doonna kulamada wada-tashiga Qaran ee dalkan wadajirkiisa lagu sii amba-qaadayo.”

Related posts

Faahfaahin: Rag hubeysan oo Haweeney ku dilay xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Maxkamad go’aan KMG ah ka gaartay kiiskii loo heystay Duqa magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Kuleylkii ugu sareeyey abid oo laga dareemay qeybo ka mid ah Qaarada Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---