Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegay inay afar maalmood oo kama dambeys ah siinayaan dhexdhexaadiyayaasha wadahadallada xabbad-joojinta si ay cadaadis ugu saaraan Israel inay fasaxdo gargaarka bani’aadanimo ee Gaza loo dirayo.
Bayaan uu soo saaray hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta, Cabdulmalik Al-Xuuthi, oo lagu baahiyay barta Telegram, ayuu ku sheegay inay sugayaan dadaalka dhexdhexaadiyayaasha balse haddii Israa’iil ay sii waddo inay xannibto gargaarada bani’aadamnimo amma ay xirto dhammaan waddooyinka laga galo Gaza ay dib u bilaabi doonaan weerarada ay ku beegsanayaan maraakiibta mara biyaha caalamiga ah ee Badda Cas.
Xuutiyiinta ayaa horay u qaaday ku dhawaad 100 weerar oo ka dhan ahaa maraakiibta ganacsiga ee gobolka, taasoo sababtay dhimashada afar badmaaxe, dhaawacyo, iyo burbur hantiyadeed.
Weerarradaas ayaa horseeday in shirkadaha maraakiibta qaarkood ay ka weecdaan marin-biyoodka Gobolka, iyagoo ku khasbanaaday inay qaataan safarro dheer oo kharash badan ku baxayo, una maraan koonfurta qaaradda Afrika.
Dhinaca kale, kooxda Xamaas ayaa soo dhoweysay digniintan cusub ee Xuutiyiinta, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka in ay si degdeg ah wax uga qabtaan xaaladda adag ee bani’aadamnimada ee ka jirta Gaza waxay sidoo kale dalbatay in dalalka Carabtu ay tallaabooyin dhab ah qaadaan si meesha looga saaro go’doominta ay Israa’iil ku hayso Gaza.
Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay khilaaf ka taagan xabbad-joojin dhawaan laga gaaray Gaza, iyadoo Israa’iil ay wali gabi ahaanba xirtay marinadii lagu gaarsiin lahaa gurmadka aadanaha. Xamaas ayaa ugu baaqday dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar inay soo farageliyaan xaaladdaXuut